(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa safarka ninka sheegtay in uu yahay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ee Muqdisho ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin
Sida ay baahisay idaacada BBC Somali Guddoomiyaha ayaa sheegay in safarka Firdhiye, aanu Laascaanood Somaliland ka goyn doonin, isla markaana uu yahay uun nin Soomaaliyeed oo dhul Soomaaliyeed tagay.
Faysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka hadlaya aragtidiisa maamulka cusub ee SSC ayaa yidhi, “Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel kamida beelaha dega Somaliland, marka ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yidhaahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.
Gudoomiyaha UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha Somaliland uga aaddan Laascaanood isagoo yidhi, “Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogu soo celinayaa gacanta Somaliland, waxaa lasoo celinayaa kala dambeyntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wadahadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale”.
Guddoomiye Waraabe oo tusaale usoo qaatay nidaamkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa yidhi, “Somaliland waxa ay iska saartay oo diidday nidaamkii Maxamed Siyaad, maantana waa sidii oo kale magaalo Somaliland kamida cid aynaan u oggoleyn ku jiri meyso, waxaan arkeynaa dad ku dabbaal dagaya ee ku sugan Laascaanood oo uu kamid yahay madaxweyne kuxigeenka Puntland, xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay sheekadu qabiil isku badasho iyaguba ma joogi doonaan Muqdisho”.