Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Beeleed Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobolka Togdheer

focus

Dagaal Beeleed Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobolka Togdheer

Dagaal Beeleed Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gobolka Togdheer

Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa ka dhacay bali biyood u dhow magaalada Qori-lugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan toban qof oo labada dhinac ah halka dhaawac intaas ka badan uu jiro, sida ay goobjoogayaal halkaasi ku sugan noo xaqiijiyeen.

Keyse Maxamuud Cali, gudoomiyaha Bulshada Rayidka ayaa noo sheegay in dagaalku ka bilaabmay shalay subax Balli lagu magcaabo Maskax Buqle oo xoola dhaqato isku fara saareen kaas oo markii danbe isu bedeley dagaal gaadiidka qoryaha xambaarsan laysu adeegsadey.

Makhribkii xalay ayaa la sheegay in uu si iskiis ah u joogsaday dagaalku , waxaana la sheegayaa in isu ciidansi xoogleh uu haatan socdo.

Dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa in uu ku sii baaho degaano badan.

More in focus

To Top