Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaano si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Muqdisho loogu sameeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo

focus

Xildhibaano si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Muqdisho loogu sameeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo

Xildhibaano si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Muqdisho loogu sameeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo

(SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa si kulul uga falceliyay soo dhaweyntii shalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah Xildhibaanada sida adag u dhaliilay soo dhaweyntii garoonka Aadan Cadde loogu sameeyay wafdiga uu horkacaayay hogaamiyaha SSC Khaatumo.

“Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi. Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka” ayuu yidhi Xildhibaan Maareeye.

Xildhibaan Maareeye ayaa sidoo kale yidhi “waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya”

Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ka mid ah Xildhibaanada sida kulul uga hadlay soo dhaweynta hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye, isagoona sheegay in Cabdiqaadir Firdhiye uu yahay shaqsi matala degmooyinka Laascaanood iyo Taleex oo aan meel kale matalin.

“Guddoomiye firdhiye ma matalo waxaan ahayn degmooyinka Laascanood iyo taleex, haday sidan kusii socoto cunfiga iyo qabyaaladuna  Degmo kasta oo dalka ka Mid ahi maamul iyo dawlad ayay sheegan ee haloo cadaalad sameeyo” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Haaruun.

Xildhibaan Gobsan oo u jawaabeysa xildhibaan Cabdi Qowdhan ayaa soo saartay qoraalkaan hoose:

“Xildhibaan Qowdhanoow waad wareertee aan ku saxee midnimada iyo calanka aad ku gabanayso horta ciddii Xamar keentay soo aniga may ahayn, wixii midoobay soo Koonfur iyo Waqooyi oo aan anigu hoggaan u ahay may ahayn, ma midnimo kalaa jirtay?.

Waxa aan ku lee yahay Laascaanood waa degmo ka tirsan Somaliland oo haday midnimo tahay iyo hadii kale ba iyada uun bay ku daba faylaysaa anaga ayaana halkan u joogna Somaliland oo cidi na tallaabo kale ma qaadi karto.

Xamar na, waa la wada joogaa, calan la la yimaadaa na midnimo ma gooyo, xiligii calanka buluuga ah reer Muqdisho looggu soo dhuuman jirayna waa la soo dhaafay ee wixii aad hayso badka soo dhig, waxna ha la hadhin.

Soomaalidu, waxay tidhaa maxa Fardo la isku hayo la iskugu faani.”

More in focus

To Top