Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga oo joojiyay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera

focus

Sacuudiga oo joojiyay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera

Sacuudiga oo joojiyay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera

Sacuudiga ayaa hakiyay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera ee waddankiisa loo iib gayn jiray sida uu xaqiijiyay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiir Siciid Sulub, oo ku sugan xilligan Sacuudiga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya carqaladaysay xoolaha Dekedda Berbera inkasta oo aannu sii faahfaahin sababta.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in ay filayaan in dedaallo ay wadaan ay guullaystaan dhawaan ,Xoolahana la furo.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Soomaliya.

More in focus

To Top