Connect with us

somalilandtoday.com

Dahabshiil Group Oo $300,000 Ugu Deeqday Ganacsatadii Ku Waxyeeloobay Dabka Ka Kacay Suuqa Wajaale.

focus

Dahabshiil Group Oo $300,000 Ugu Deeqday Ganacsatadii Ku Waxyeeloobay Dabka Ka Kacay Suuqa Wajaale.

Dahabshiil Group Oo $300,000 Ugu Deeqday Ganacsatadii Ku Waxyeeloobay Dabka Ka Kacay Suuqa Wajaale.

(SLT-Wajaale)-Maamulaha shirkadaha Dahabshiil group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa ugu baaqay guud ahaan ummada Soomaalida waxa uu ugu baaqay inay ka qayb-qaataan taakulayntaa walaalahood ku hanti belay dabkii suuqa Wajaale.

Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka qayb-galayay munaasibad qaadhaan lacageed loogu ururinayay dadkii ku hanti beelay suuqa Wajaale ayaa halkaa kaga dhawaaqay lacag dhan 300 oo kun oo dollar oo shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Group ugu deeqday dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay dabkii suuqa Wajaale ka kacay 16 bishii September waxaanu yidhi “Mar hore waxaan u tacsiyaynayaa dhammaan dadkii ganacsada ahaa ee ganacsigoodii uu dhaawaca weyni soo gaadhay iyo dadkii uu ganacsigu kaga gubtay Waaheen, waan xasuustaa maalintii uu dabku socday iyo maalintii ku xigtayba, waxaan aad u xasuustaa inan dhalinyaro ah oo la yidhaa Maxamed Sakariye Xaaji Xuseen oo yidhi 5 meheradood ayaanu Waaheen ku lahayn oo ku gubtay, halkana meherad ayaa maanta nagaga gubatay, dhammaan noloshaydu waxa ay ku xidhnayd meheradahaasi, taasi waxa ay la mid tahay dadkaa badan ee 74 meheradood in ganacsigoodu halkan ku baaba’ay, kuwii jaarka lahaa ee ganacsigoodu u badbaadayna maanta mas’uuliyad ayaa u taalla ah inay caawiyaan 74-kaa qof”

Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa ka warramay suuqa Wajaale muhiimadda iyo baaxada uu leeyahay kaalinta uu kaga jiro ganacsiga Soomaalida waxaanu yidhi “Ganacsigu sidaad la socotaan Togwajaale wuu ka weyn yahay waxa la odhan karaa alaabtu marka ay Berbera ka timaado inta Hargeysa Burco iyo gobollada kale tagta waxa ka badan inta Togwajaale timaada, Togwajaale waa dhaqaalaha ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa lagu tilmaamaa, alaabta halkan timaadaa dhulka Soomaalida oo dhan ayay gaadhaa, markaa Togwajaale waa meel dhaqaalaha dadka Soomaalida muhiimad gaar ah u leh” ayuu yidhi

Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa waxa sidoo kale uu mahadnaq u jeediyay dhammaan dadkii kala duwanaa ee dadaalka badan ka geystay in la xakameeyo dabkii suuqa Wajaale oo khasaaraha la yareeyo waxaanu si gaar ah u xusay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

“Dadka maanta dhaqaalaha loo ururinayo waana la qabaa walaalkay Sheekh Ciise haddii qof waliba uu bixiyo lacag 530 dollar ah 10 kun oo qof ayaa lacagta bixin karaya waa lacag marka sidaa loo qayb-qaybsado aad u yar, anigu waxaan qabaa in Togwajaale ay ku filan tahay inay intaa bixiso, ganacsiga Togwajaale yaalla waxaan odhan karaa in 1 bilyan oo dollar uu gaadhayo marka la isku daro, shan milyan iyo saddex boqol marka loo eego 1 bilyan oo doollar waa lacag aad u yar, dhammaanteen markaa waa in aynu caawinaa gude iyo dibadba oo ay muhiimadu waliba tahay ganacsada Togwajaale joogta, guddida lacagta ururinaysa waxa aan kula talin lahaa in ganacsade kasta oo lacag bixiya ay calaamad albaabkiisa ku dhajiso si kii aan bixin cid waliba u ogaato maanta ma aha maalintii bakhaylku dhuuman jiray maanta waa maalintii la iscaawin jiray, habeenkii waan xasuustaa walaalkay Cabdiraxmaan ayaa ila soo hadlay waxa uu igu yidhi Cabdirashiidow dabku meel xun ayuu marayaa waa laga yaabaa innagana in uu na soo gaadho waan is hayn kari waayay cid kasta oo aan lambaradooda hayay ayaan la xidhiidhay illaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya”

Ugu dambayntii waxa uu Cabdirashiid tallooyin dhaxal-gal u jeediyay ganacsada isaga oo ugu baaqay inay iskaashi ka samaystaan arrimaha qaar waxaanu yidhi “ganacsatadu wax badan oo ay dabka kaga hor-tagi karto ayay qabsan kartaa, wax badan ayay ka wada shaqayn karaan, tartanku waa xalaal laakiin tartanka mararka qaar gacmaha oo la is qabsado ayaa ka muhiimsan, dabku adduunka oo dhan waa uu ka dhacaa waanu dhacaya laakiin waa in cashar laga qaataa, 300 oo kun oo doollar ayaanu bixinaynaa” ayuu yidhi

Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka khudbadan

More in focus

To Top