Connect with us

somalilandtoday.com

Magaalada NewYork  ee dalka Mareykankan oo xaalad degdeg ah la giliyay

focus

Magaalada NewYork  ee dalka Mareykankan oo xaalad degdeg ah la giliyay

Magaalada NewYork  ee dalka Mareykankan oo xaalad degdeg ah la giliyay

Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay magaalada New York iyadoo duufaano xooggan ay keeneen daadad waddooyinka xidhay.

Qaar badan oo ka mid ah nidaamyada tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, iyo waddooyinka waaweyn ayaa daadadka gaadheen, halka ugu yaraan hal terminal oo ku yaal Gegida Diyaaradaha ee LaGuardia la xidhay Jimcihii.

Ilaa 8in (20cm) oo roob ah ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah magaalada, waxaana la filayaa in dhowr inch oo kale jimcaha xili dambe, sida ay sheegeen waxda saadaasha.

“Tani waa duufaan khatar ah, oo nafta halis gelinaysa,” ayay tiri Badhasaab Kathy Hochul. “Waxaan ku dhawaaqayaa xaalad degdeg ah guud ahaan magaalada New York, Long Island, iyo Hudson Valley sababtoo ah roobabka aadka u daran ee aan ku aragno gobolka oo dhan,” ayuu Gov Hochul ku yidhi X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

Waxay dadka ku boorisay inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan ammaanka oo “aysan isku dayinna inaad ku safrataan waddooyinka daadku qaaday”.

More in focus

To Top