Connect with us

somalilandtoday.com

“Dedaalka Iyo Tacabku Qayb Wayn Ayuu Ka Qaataan Guusha Mar Walba” Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

focus

“Dedaalka Iyo Tacabku Qayb Wayn Ayuu Ka Qaataan Guusha Mar Walba” Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

“Dedaalka Iyo Tacabku Qayb Wayn Ayuu Ka Qaataan Guusha Mar Walba” Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

(SLT-Hargeysa)-Maamulaha shirkadaha Dahabshiil group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka qayb-galay xafladda qalin-jabinta jaamacadda Abaarso Tech University ayaa khudbad dhiiri-gelin ah oo dhinacyo badan taabanaysa waxa uu u jeediyay ardaydii dhammaystay jaamacadda.

Ugu horrayntii waxa uu Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ardayda la wadaagay in ka soo qayb-galkiisa xafladda qalin-jabinta jaamacadu ay tahay in dareenka farxadda la qaybsado ardayda maanta qalin-jabinaysa waxaanu yidhi “waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idinka kala soo qayb-galay maalinta farxadda idin wada ah dhammaantiin, waalidkiiniina ay joogaan xafladda, idinkuna tacabkii aad gasheen muddaadaa dheer ee aad ku jirteen tacliinta, dadaalka ee aad maanta guushiisii aad gaadheen”

Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay ardayad naafo ka ah dhinaca maqalka oo ka mid ahayd ardaydii maanta ka qalin-habisay jaamacadda Abaarso Tech University waxaanu yidhi “waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa inanta la yidhaa “Tihaal Jamaal Aw Daahir, inantaa waxaan ka akhriyay wargeyska ay jaamacadu soo saarto, inantaasi waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay oo wargeyska ku taalla inay ku dhalatay iyada oo naafo ka ah dhinaca maqalka, inay jaamacadeedii kowaad halkan ka baratay (First degree), jaamacadeedii labaadna ay maanta ka qalin-jabinayso (Master degree), waxa ay muujinaysaa wixii aad doonaysid ee Allena kula qabta in aad gaadhi kartid, naafo ahow amma naafo ha ahaanin haddii aad dadaashid oo aad tacabgalisid in aad gaadhaysid” ayuu yidhi

Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa sidoo kale waxa uu ardayda u sharraxay muhiimadda ay waxbarashadu leedahay, isaga ku dheeraaday tacabka iyo dadaalka looga baahan da’ayarta waxbaranaysa iyo mustaqbalka sugaya, Halkan hoose ka muuqaalka khudbadda Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale

More in focus

To Top