Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka oo ceydhiyay Diblomaasiyiin Mareykan ah

focus

Ruushka oo ceydhiyay Diblomaasiyiin Mareykan ah

Ruushka oo ceydhiyay Diblomaasiyiin Mareykan ah

Diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Ruushka, oo lagu kala magacaabo Jeffrey Sillin iyo David Bernstein, ayaa lagu amray inay iskaga baxaan dalka Ruushka .

War ay so saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in diblomaasiyiintan ay muddo 7 maalmood gudahood ah ah ay Ruushka uga baxaan.

Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sillin iyo Bernstein “waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah” waxayna xidhiidh la sameeyeen shaqaale hore oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Vladivostok, Robert Shonov, kuwaasi oo ay sirdoonka Ruushka ku eedeyeen ururinta macluumaadka ku saabsan howlgalada ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Robert Shonov ayaa ka shaqeynayay safaaradda Mareykanka ee Vladivostok in ka badan 25 sanno ilaa Ruushka uu amar ku bixiyay in ceyriyo sanaddii 2021-ka.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top