Connect with us

somalilandtoday.com

Canada oo dalkeeda kasoo Masaafurineysa in ka badan 150 dhalinyaro Soomaali ah

focus

Canada oo dalkeeda kasoo Masaafurineysa in ka badan 150 dhalinyaro Soomaali ah

Canada oo dalkeeda kasoo Masaafurineysa in ka badan 150 dhalinyaro Soomaali ah

Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay dalkeeda uga soo masaafurineyso dhalinyaro Soomaali ah oo ay sheegtay in si sharci daro ah kusoo galeen dalkeeda.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ee Canada ay soo masaafurineyso ayaa la sheegay in tiro ahaan ay ka badan yihiin ilaa 150 qof oo dalkaasi ku galay aqoonsiyo kala duwan.

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ka dalbaday iney soo faragaliso qorshahaan Canada ay ku dooneyso iney dalkeeda kaga masaafuriso dhalinyarada Soomaalida ah.

“Dhalinyaraddaan waxaa haysata walaac weyn oo ay ka qabaan tarxiilka, dadaal weyn oo laba weji leh ayaa wadna laakiin dadaalkeena kaliya kuma filna arintan waxaan u baahanahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo dhex gasho oo ay soo cadeyso in wiilashaan Soomaali yihiin” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka u doodaya dhalinyaradaan oo la hadlay Idaacadda VOA-da.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal Isaaq Fanax oo dhankiisa ka hadlay dhacdadan ayaa  sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayna waxba ka qaban karin talaabada Canada ay kusoo masaafurineyso dhalinyaradaan, isagoo xusay in markii hore dhalintaan dalkaasi ku galeen aqoonsiyo kale.

“Dowladda Soomaaliya uma furna gacmaheeda inay ka jawaabto ama kala gor-gortanto dowladda Canada waayo muwaadinkan asalkiisa markuu soo galayay Soomaalinimo kuma soo gelin, waxa gacmaheena xiraya in qof waddan kale baasaboor kale kusoo galay u doodno, kaliya waxa noo furan inaan u duceyno” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal.

Dadka u doodaya dhalinyaradaan laga soo masaafurinayo dalka Canada ayay raja beel ku tahay go’aanka dowladda fedaraalka Soomaaliya ay ku cadeysay in ayna waxba ka qaban karin talaabada Canada ay kusoo tarxiileyso in ka badan 150 dhalinyaro Soomaalida ah.

More in focus

To Top