Connect with us

somalilandtoday.com

Raad Arooryo dib looma raaco, Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

focus

Raad Arooryo dib looma raaco, Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Raad Arooryo dib looma raaco, Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa qoray.

“Erey-sami wuxuu gooyo,
Alloow yaan ku jarin soodhka,
Garashada ka dhiga seefo.” – Hadraawi.

Waxa aan qormadan kaga xog-warrami doonaa; waxa aynnu ummad ahaan ka baran karno sooyaalka colaaddii degmada (Geeska Africa) gaar ahaanna 63kii sanno ee ugu dambeeyay. Laascaanood wixii ka dhacay iyo sidii xukuumaddu uga fal-celisay. Talo-bixintii aannu madaxweynaha la wadaagnay, mar uu wax naga weydiiyay xisbi ahaan, bilawgii kacdoonka Laascaanood iyo ugu dambayn sida uu xalku iigu muuqdo, shakhsi ahaan.

Aadamuhu in uu dhibaatooyinka wajaho waxa ay ka mid tahay sunnaha Rabbaaniga ah ee kawnka, taasina waa sababta cilmiga maamulka, maaraynta khataraha iyo hoggaaminta kala duwan loogu barto; iyada oo lagu kala aragti duwanaan karo tubta loo marayo xal u helistooda. Hasa yeesho e, hoggaaminta labadeeda nooc (tan hibada ah iyo ta la barto ba) waa la isku waafaqsan yahay ahmiyadda xal u helista mushkiladaha, asalka dabciga bini-aadmkuna waa sama-doon iyo wanaag-raadis oo dhibaatada ma jecla.

Tan iyo maalintii aan garaadsaday waxa aan arkayay ama maqlayay dagaallo, waxa aanay facayga iyo facii ka horreeyay ba u ahayd maalin qax, maalin dagaal iyo xilli cawaaqibka dagaalka saamayntiisa ay la noolaadaan. Ummaddana hoggaan beentiisa rumaystay ayaa kolba jar ka tuurayay. Waxaana hagaagsan in aan hoggaanku been iyo muhmal ku guurin e, uu run uu ummadda u sahamiyay ku raro, beentaada lama rumaysto e, riyadaada ayaa la xaqiijiyaa. Sooyaalka taariikheed ee geyiga Soomaalida marka la dersana waxa aan lagu kala baydhin in masiibada ugu weyn ee ragaadisay ay DAGAAL tahay. Haddana waxba lagama baran, dagaalladaasi oo iskugu jiray: Dagaallo diimeed, Dagaallo qabiil, Dagaallo waddaniyadeed, Dagaallo siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye

Haddii aynnu dagaalladii ugu dambeeyay soo qaadanno, gaar ahaanna kuwii dhacay gumaystaha dabadii oo aan ka xusi karno:

  1. Dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964 iyo 1977.
  2. Dagaalladii kacdoonnadii jabhadaha ee 1978 ilaa 1991.
  3. Dagaalladii Jabhadda OLNF iyo Itoobiya ee 1984 ilaa 2019.
  4. Dagaalladii sokeeye 1991 illaa 1994, ee deegaannada kala duwan ee Somaliland iyo Soomaaliya ba ka dhacay.
  5. Dagaalka Al-shabaab iyo Soomaaliya ka dhexeeya ama dhacayay 2006 ilaa 2009 oo qolo ba magac ula baxday.
  6. Dagaalladii sokeeye ee 1998 ilaa 2023 ee degaanadda kala duwan sida, Laascaanood iyo Buuhoodle iyo meelo kale oo Soomaaliya iyo Somaliland ah ka dhacayay.

Isku soo wada xoori oo ma jirto ama waa ay yar tahay midho iyo madhax laga dheefay dagaalladdaa, marka laga reebo in keligii taliskii Maxamed Siyaad Barre ay rideen jabhaduhu 1991. Hasa yeeshee, Somaliland oo tirsata in ay kaalinta ugu weyn ku lahayd ridistii nidaamkaas, welina aanay gaadhin himiladeedii ahayd helista qaran madax-bannaan oo dunidu aqoonsan tahay. Geesta kale, khubarada culuumta dagaalku, marka ay is-barbar-dhigayaan dhib iyo dheef waxa laga helo dagaalka waxa ay faa’idooyinkiisu iskugu jiraan kuwo: taariikheed, dhaqaale, siyaasadeed iyo diimeed. Dhinaca khasaarahana waxa dagaallada ku burbura nidaam, nolol, nabad, naf iyo maal. Sida oo kale, khasaaraha dagaalka waxa ka mid ah; dhaawacyo maskaxeed oo ummadda saamayn gurracan ku reeba oo waxyeello weynna u geysta habsami u fekerkooda. Waxa aana intaas dheer in dagaalladu waxyeello aan si fudud looga soo waaqsan karayn u geystaan DEEGAANKA, oo dagaal la aragyaaba dhib la arag.

Haddaba, dagaalkaas Laascaanood dhammaan noocyada khasaaraha ee aynnu kor ku soo xusnay waa laga dhaxlay, balse waxyaalihii xukumadda Somaliland dadka u sheegtay, oo ahaa in ay argagisixo iyo Puntland oo is-huwan la dagaallamayso, xuduudaheedana soo xidhayso, waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaana taladii Sool la wareegay maamul deegaanku samaystay. Dhanka kale, in kasta oo aan u garaabayo tabashada gaamurtay ee reer Sool iyo Sanaag ama in ay diidaan wixii dulmi iyo xadgudub ah ee ay tirsadeen, laakiin ma aan fahmin siyaasadda ku jirta in gobol gooni loo goosto lana diido gooni isutaaga Somaliland ama midnimo Muqdisho soo dhaafi wayday rejeda reer Laascaanood uga hillaacday. Sidoo kale, waxaa wax laga xumaado ah muuqaallada aadka u xun ee meydadka cagaha la saarayo ama la jarjarayo, waa wax laga yaqyaqsoodo oo dhaqanka ceeb ku ah, shareecadda islaamkana xaaraan ku ah.

Waxa muuqata in taladii qaran ee Qasriga Madaxtooyada saddexda xisbi iskula qaateen 11/02/2023 ee ahayd “In arrinta Laascaanood si nabad ah lagu dhameeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya” ay fuli wayday waxaana ka dhashay, in ay Somaliland ka soo horjeestaan dhammaan ciidamadii ka soo jeeday deegaanka Sool wax aad u yar mooyaane, sida oo kale waxa iyaguna faraha Somaliland ka baxay kana soo horjeedsaday, maamulladii gobolka/degmooyinka, guddoomiyayashii ururrada siyaasadda ama madaxdii xisbiyada, guddoomiyihii baarlamaanka iyo ugu dambayn shirkii madaxda dhaqanku qabteen oo laga soo saaray go’aan Somaliland lid ku ah. Markii labaadna uu dagaal siddeed bilood soconayay ka qarxo, halkaas oo khasaare laxaad leh oo kumannaan qof saameeyay ka dhashay, kaasi oo labada dhinac ba wax ka soo gaadheen (Dadkii Somaliland ee reer Sool iyo Dawladdii Somaliland), magaaladii Laascaanood na badankeedii ay duntay. Ugu dambaynna ciidankii Somaliland ee geyiga Soomaalida ugu xoogga badnaa jab weyn oo taariikhi ahi ka soo gaadhay, jabkaas oo ilaa hadda aan sabab cad iyo warbixin sugan laga hayn. Waxa aynnuna taariikhda ka barannay in dagaal kasta oo aan ujeeddo iyo hadaf cad laga lahayni, uu ku dhammaado mugdi, waana halka Soomaalidii hore ka odhan jirtay; “dagaalka ninka qosol la galaana qamuunyo ayuu kala baxaa, ninka qamuunyo la galaana qosol ayuu kala baxaa.”

Haddaba, natiijadan xun ee dagaallada ka dhalata marka laga yimaaddo, waxaa iyana is-weydiin mudan, innaga oo og in dagaalka muslimiinta dhexdooda shareecadu diidday, waxaas oo dhib ahina ka dhalanayso maxaa saldhig u ah baa la odhan karaa curashadooda? Fekerkayga waxa ay iigu muuqataa in ay bud-dhig u yihiin; jahliga, fahamka khaldan ee diinta ee midba midka kale doonayo in uu ku janno tago, kibirka, dulmiga, caddaalad-darrada iyo qiimaha nolosha oo hooseeya. Dhabtuna waxay tahay, in dagaalladu yihiin waxa curyaamiyay dawladnimadda iyo horumarka dunida saddexaad.

Dagaalka Hortii Waxaan Madaxweynaha u Gudbinnay talo-bixin.
Kacdoonkii ka dib, intii aan dagaalku bilaabmin ayuu madaxweynuhu talo naga weydiiyay arrinta Laascaanood. Waxa aannu dedaalkii arrintaasi xalka loogu raadinayay ka bilownay in aan ka codsanno Guddoomiyihii Baarlamaanka (Cabdirisaaq Khaliif) oo fasax ku maqnaa, in uu degdeg u yimaaddo oo xukuumadda kala hawl-galo mashaqada dhacday, ???????????????????? ???????? ???????????????? ???????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????? ???????? ???????????????????? ???????????????????????? ???? ???????????????????? ????????????????????????????????????????????????, ???????????????????????? ???????? ???????????????????? ????????????????????: –

[Xalka Laascaanood 20-Jan-2023:
Lama dhayalsan karo buuqa siyaasadeed, kacdoonka Laascaanood ka socda iyo kacdoonnadii kala danbeeyay ee mararka kala duwan iyo meelaha kala duwan ka dhacay, waxaana xaqiiqo ah in ay salka ku hayaan; Qanac-la’aan siyaaseed, tabasho gaamurtay iyo Somaliland-diid, qas-wadayaal ama qaar leh ujeeddooyin kale iwm. Dareenka taban ee siyaasadeed ma aha wax maanta Dhulbaahante la soo baxay ee waxay soo taxnayd ilaa maalintii Somaliland lagu dhawaaqay balse maalinba nooc buu ahaa, waxaanad halka ka dhegaysan kartaa sidii ay uga falceliyeen 18-May, 1991: (https://www.bbc.co.uk/sounds/play/p034s4g8)

Waxaa taas la mid ah aragtiyaha soojireenka ah ee ay ka bixiyeen dad badan oo uu ka mid ahaa Abwaan Gaariye AHN oo isaga oo hogaanka canaananaya ku maansooday sidan soo socota:
“Dharaar baa iman doonta,
dadka Sool iyo Awdal ee,
Aadanow hagrateen,
Raacdadoodu adkaato,
lagu raadsho ileys.”
Haddaba, iyada oo laga duulayo tilmaamaha aynnu soo sheegnay waxay ila tahay in la magacaabo Guddi Qaran oo leh qaababka soo socda, sidoo kale waxaa muhiim ah odorosyada xalka mustaqbalka ee hoos ku xusan, kuwaas oo iftiiminaya, Xalka degdegga ah (quick fixes solution), Xalka kumeelgaadhka ah (temporary solution) iyo Xalka waara (permanent solution).

  • Guddi Qaran (Qaabka & Tirada Guddiga Qaran)

Odoraska 1aad: Odoraska Xalka degdegga ah (quick fixes solution):
▪︎ Cabdirisaaq Khaliif oo la hawl-geliyo loona fududeeyo wax kasta oo ka caawinaya nabadaynta, dejinta xaaladda, iyo sidii wada-hadal kaar-jebin ah loola furi lahaa Guddiga Dhulbahante magacawday.
▪︎ Garaadka oo la hawlgeliyo, Madaxweyne Muusena Loo keeno si kalsoonida labada dhinac kor loogu qaado.
▪︎ Ciidamadda deegaanka Mahad Cambaashe, Ina Ducaale Dheeg iwm. la is-waafajiyo, ciidamadoodana si tartiib ah magaalada loo soo geliyo si ay nabadda u ilaaliyaan.
▪︎ In wax kasta oo isku-dhac shacab, dhimasho iyo dhaawac keeni kara laga dheeraado.
▪︎ In la abuuro koox deegaanka Laascaanood ah oo isugu jira aqoonyahka, waxgarad iyo siyaasiyiin oo loo xulay wacyigelin toolmoon oo ku qotonta wanaaga iyo wax wada lahaanshaha beeshaas iyo Somaliland taas oo dheelitaraysa abaabulka taban iyo odhaahda naxliga iyo fogayntu ku jirto ee meelaha kala duwan ka socda.
▪︎ In baaqyo nabadeed oo dejin ah ay soo saaraan culimada, waayeelka iyo xisbiyada mucaaradku iyo Madaxda Ururada Siyaasadda ee Dhulbahante.
▪︎ In Madaxweynuhu jeediyo khudbad nabadeed, taas oo uu ku muujinayo in uu diyaar u yahay, wax kasta oo dadkaasi ku qancayo oo suurto-gal ah.

Odoraska 2aad: Odoroska Xalka kumeelgaadhka ah (temporary solution):
▪︎ Gogol dhulbahante oo la dhigo iyo wadahadal qorshaysan oo lala furo garaaddada.
▪︎ Madaxa kooxda Khaatumo oo wadahadal lala furo, waa marka jawigu yara dego.
▪︎ In xilal loo kordhiyo Dhulbaahante, si gaar ahna loo beegsado Jaamac Siyaad iyo Dhulbaahantaha Ceerigaabo oo aan hadda xukuumadda aad uga muuqan.
▪︎ In Ganacsatada Dhulbaahante oo uu ugu horreeyo ina Jabuutaawi Madaxweynuhu u yeedho, wixii cabatin ah laga shaafiyo lana hawlgeliyo, lana dhiirigeliyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee beeshaas si ay u xoogaysato danahoodu oo ay u dareemaan kaalinta ay dalka ku leeyihiin ee dhinac kasta ah.
▪︎ In Ergo culimo oo isku jirta loo diro Laascaanood, si ay ula fadhiistaan culimada degaanka una xoojiyaan dhaqdhaqaaqyada nabadda ee socda.
▪︎ In loo diro Eego dhaqan (Madax-dhaqameed), kuwaas la fadhiisanaya Garaaddada Dhulbahante, iskuna deyaya in ay dejin, dood iyo wada xaajood dhaqan la bilaabaan.
▪︎ In loo diro guddi qaran oo ay horkacayaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Guurtida, kuwaas ka kooban saddexda gole ee qaranka, saddexda xisbi qaran iyo waayeelka kale ee aan looga maarmayn.

Odoraska 3aad: Odoroska xal waara (permanent solution):
Mucjiso ma aha in la helo xal waara, balse wuxuu ka imanayaa rog-rogga talada iyo tuujinta maskaxda, oo la isku dayo in deegaanka Laascaanood loo helo xal siyaasadeed waara oo ay ku qanacsanyihiin degaanku lana fulin karo.

Intaas kuma koobna ee waxaa ka mid ah xalalka:
B. In shir weyne dib u heshiisiineed dhexdooda ah laga taageero ama loo fududeeyo, si loo helo cod iyo aragti midaysan oo aan caadifad iyo cunfi midna ku salaysnayn, kaddibna wada-hadal tusmaysan oo qorshaysan lala yeesho hoggaanka ay hawshaa u soo dirtaan. Isla markaana Dhulbahante lagu qaabilo si waafaqsan qabkooda, oo lagula macaamilo hab-dhaqan muujinaya in ay talada qayb ka yihiin, oo aan waxba loo yeedhinayn.
T. In dawladnimadu (law and order) gaadho oo laga hirgeliyo deegaannadooda, iyada oo ay qayb ka yihiin oo deegaankooda laga hirgeliyo horumarka kala duwan, oo ay dhaqaalaha iyo fursadaha kala duwan ka helaan qusum caddaalad ku salaysan (fair share).
J. In ay gaadhaan hoggaanka dalka ugu sareeya (Madaxweynaha iyo ku-xigeenka) isla markaana inta ka horraysa la abuuro himilada ah in loo oggol yahay in ay dalkan Somaliland hoggaamiyaan.

Qodobbada aan kor ku soo sheegnay ayaan u arkaa in ay xalka saldhig u noqon karaan, mana aha aragti aan xukuumadda joogta culays ku saarayno ama maanta igu dhalatay ee waa aragti aan hore u qabay oo aad ka helayso buuggayga Hodanka Baahan, bogga 463.

FG: Ma qabo sida keliya ee saxda ahi in ay tahay sida aan kor ku xusay, waxa aan se bartan idin kula wadaagay sidii qof ahaan ila qummanayd ee aan xalka u arkayay, aniga oo jecel, daacadna ka ah in kacdoonkaasi caqli lagu maareeyo inta aanu gaadhi heer aan waxba laga qaban karin.]

Geesta kale, kulankii Madaxtooyada ee 11/02/2023 -Saddex todobaad ka dib talabixintaas- waxa aannu madaxweynaha u soo gudbinay xog iyo talo kale, oo ahayd in Garaaddadii Laascaanood ku shirayay ay naga soo gaadhay feker ah in masaafo 2-km oo keli ah dib ciidanka loo qaado; si aanay xabadda labada ciidan isku soo gaadhin, ka dibna ay wada-hadal diyaar u yihiin.
Madaxweynuhu wuxuu iigu hal celiyay:
“Goojacadde kama bixi karo ee adigu Xirsiyow, miyaad ka bixi lahayd?”

“Haa, oo meel kasta oo ciidanku nabad ku joogi karo ayaan geyn lahaa, xataa haddii ay Oog igu kellifayso balse imika waxaanu ku leennahay Goojacadde ama dabadiisa meeshii ku habboonaata ciidanka gee, si aynnu fursad u siinno nabadda oo aan labada ciidan xabadda isula gaadhin.
Sidoo kale, maadaama oo ciidanku uu dhib kala kulmi karo in ka badan 100km, waxaa suurtagal ah in ay dabin ciidanku ku jabo noqoto, dadka iyo innagaba dhibaato inaga soo gaadho, magaaladuna dunto oo iyada oo intaasi dhacday, ciidanka aad Oog keento, illayn ninna gurigiisa lagagama adkaado e.” Ayaan ugu jawaabay madaxweynaha!

Ugu dambaynna, wuxa uu ku adkaysatay in aan ciidanka halkaas uu joogo iyo Goojacadde midna aanu dib uga rarayn, hadalkayaguna wuu badnaa e, intaas ayay se dulucdiisu ahayd.

Gun-gaadhka.
Xaqiiqadu waxa ay tahay, Xisbiga WADDANI iyo in badan oo u kaadiya lahayd lama yeelin, natiijadaduna waxay noqotay dhibtaa ballaadhan oo naf, maal, burburka Laascaanood iyo dhaawaca guuldarro ee Ciidankii Qaranka soo gaadhay, waxaanay ila tahay, dhulku kala go’i maayo, dadkuna kala maarmi maayo wixii nool, siyaasaddana waa laga heshiin karaa, raad orooryo dib looma raaco, Ilaahay isagaa kala beddela umuuraha oo xaalka lagu jiro mid aan la filayn ku beddela ee waxaa loo baahanyahay in aynnu arrimahaa aragti caafimaad qabta ku eegno, wixii dhacayna aynnu wax ka baranno oo is waydiinno maxay u dhaceen ee sababay, yaa loo raacayaa iyo maxaa aynnu uga gudbaynnaa.

Intaa ka dib, shalay wixii khaldamay la soo dhaaf, wixii dhacayna dhace ee maanta iyo berrito aan samo ugu talinno wixii nool, diintu haddii ay ina qaban waydo, dhaqanka haddii la dhawri waayo, dhacdooyinka haddii aynnu waxba ka baran weynno, oo wixii aynnu taariikhda ku haynnay ee dhibtiisa ama fool xumadiisa aynnu u soo joognay mar kasta dib loogu celiyo, waxa marag-ma-doon ah in aynnaan ciil ka korayn, oo qayrkeen gaadhayn, hannaan dawladeed iyo horumarna aynnaan haybsanayn.

“Dib maxaa idiin celinayoo
hore idiin diiday,
mar uun maad ku daytaan
khalqiga libinta doonaya.” – X. Aadan Axmed Afqallooc.

Xirsi Cali X. Xasan
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

=DHAMMAAD=

More in focus

To Top