Connect with us

somalilandtoday.com

Gacanta Midig ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sabab u ah inuu ku khasbanaado inuu aqbalo go’aamo ku adag, halka afka Cirro sabab u noqday inuu aqbalo go’aamo aanu filayn.

focus

Gacanta Midig ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sabab u ah inuu ku khasbanaado inuu aqbalo go’aamo ku adag, halka afka Cirro sabab u noqday inuu aqbalo go’aamo aanu filayn.

Gacanta Midig ee Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sabab u ah inuu ku khasbanaado inuu aqbalo go’aamo ku adag, halka afka Cirro sabab u noqday inuu aqbalo go’aamo aanu filayn.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa iska lumiyey fursad muhiim u ahayd oo uu kaga baaqsan karayey khilaafkii siyaasaddeed ee laba sanno dalka ka taagnaa. Ujeeddadii u u dagaalamayeyna si fudud ka gaadhi lahaa bilaa muran.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa xafiiskiisa ku muddo dhaafay, oo haddii uu saxeexi lahaa meel mar noqon lahayd wax ka beddelkii iyo kaabistii Xeerka ururrada ee loo yaqaanay 2021, oo ay ansixiyeen Golihii Wakiillada ee hore, kaas oo haddii uu qalinka ku duugi lahaa noqon lahaa sharci hirgala oo doorashada Ururrada lagu galo.
Xeerkan wuxuu sheegayey dhawr qodob oo dannu ahaa sidan uu markii dambe wax u doonayey madaxweynuhu oo ahaa doorasho ururro oo toos ah iyo in lix bilood ka hor ay xisbiyadu ku meel gaadh noqonayaan.
Madaxweyne Muuse Biixi, fursad gacantiisa ku jirtay oo uu ilduufay ayaa keentay 2 sanno ka dib inuu ku qabsanaado inuu liqo go’aan aad ugu adag duruufaha taagan awgood.

Dhinaca kale, Murrashax Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa afkiisu siiyey fursad dahabi ah oo uu Madaxweynaha iyo Xukuumadda kaga guulaystay khilaafkii taagnaa.

Murrashax Cirro ayaa afka ka xidhay oo aan deg deg uga jawaabin jadwalkii ay soo saareen Komishanka doorashooyinku ee lagu muddeeyey laba doorasho.

Aamuska Cirro waxa uu sabab u noqday in go’aankii iyo mowqofkii Xisbigu dib u dhacdo, iyada oo la tashiyo uu bilaabay oo uu gobollada ku soo maray ay keentay inuu dib u dhaco muddo loo dheg taago go’aankiisa, oo loo badinayey inuu ku aqbalo doorashada Ururrada, hase yeeshe xilligii go’aankiisa la sugayey ayuu dalku marxalad adag galay oo khilaafkii taagnaa amniga saameyn ku yeeshay, iyada oo Guddida Beesha Bariga Burco ee isxilqaantay ay keentay inuu Cirro sii aamusnaado oo aanu ku dhawaaqin go’aankii Xisbigiisa, kana warsugo wixii ay soo saaraan Ergada isxilqaantay, taas oo aakhirkii keentay in aamuskiisu siiyo fursad ah inuu aqbalo go’aamadii soo baxay ee ergada.

WQ- Saleebaan Saxansaxo.

More in focus

To Top