Connect with us

somalilandtoday.com

“Mayor Mooge Anigu Waxaan u Arkaa Nin Xilkiisii Ka Soo Baxay, Hagar-daamooyin Badana Aamus-naan Kaga Soo Gudbay..”

focus

“Mayor Mooge Anigu Waxaan u Arkaa Nin Xilkiisii Ka Soo Baxay, Hagar-daamooyin Badana Aamus-naan Kaga Soo Gudbay..”

“Mayor Cabdikariim A Mooge Anigu Waxaan u Arkaa Nin Xilkiisii Ka Soo Baxay

Hagar-daamooyin Badana Aamus-naan Kaga Soo Gudbay.

Xukuumadan Kulmiye-na Waa Garteed In ay Mayor Cabdikariim Isku Sawirto Si ay Nafis-siyaaseed Uga Hesho.

Hadaba Shacbiga JSL Waxaan u Sheegayaa In Xukuumadan Gabalkeedu Dhacay ee Fashilkeedu Saameeyey Nabadgelyadii iyo Xasiloonidii Dalka Gudihiisa ee 30 kii Sanno ee u Dambeeyey ay ku Naaloonaysay ee Somaliland ilaalinteeda Hormuudka u ahayd oo maanta heerkii ugu Hoosayay gaadhay Abid oo Maanta War-warkeeda leh uu Kulmiye ina dhaxalsiiyey.

Waxba  la yaabi maayo inay  Mashquul ay Fashilkooda kaga gabadaan ay ka dhex Raadiyaan Inankaasi  Mayor Cabdikariim  ee Rajada Horumar Ee Shacabkeenu ku diirsadeen Qabtay , Isla Markaana Ka Wax-qabad batay Labadaa Sano Ee uu Hogaaminyay Caasimada Hargaysa isaga iyo Golahiisa Deegaanku , Awalba way ku Wadeen Hagar daamooyinku isdaba-joog ah ilaa maalinku Kursigan Mayornimo Doonayey,  Markii uu Duqa Caasimada noqday oo 9 Wasaaraddood iyo Hay’addo Dowli ah ay Xukuumadani haliilaysa Shaqadii Mayorka u kala qaybisay intaaba Waynu Ogayn oo xogogaal u ahayn maantana waa Hagar Daamadii socotay oo Shaadh Kulmiye loogu Soo Gabaday uun ee wuxuba waa intaas uun ee yaan Dadkaygoow fashilaadaha iyo nafisyada Siyaasadeed ee Cabdikariin laga dhex raadinaayo laydinku Soo gaban.

Waxaan Qabaa In u Jeedada ay Ka Leedahay Tahay Laba Arimood

1 In Sumcada Dhimatay ee Xisbiga Kulmiye Sawir Iyo Rajo Uga Dhigaan Shacbiga JSL

2 In Ay Doonayso In uu Hadlo Dabadeedna Dagaal Toos ah ku Qaadaan ilayn Ma Rabaan Cid Wax Qabatee , Waanay Soo Bixi”.

WQ. Yuusuf Kayse Cabdilaahi

More in focus

To Top