Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbigii KULMIYE oo Laba garab u kala jabay iyo Masuuliyiin Reer Saaxil ah oo iskaga soo dareeray Burco.

focus

Xisbigii KULMIYE oo Laba garab u kala jabay iyo Masuuliyiin Reer Saaxil ah oo iskaga soo dareeray Burco.

Xisbigii KULMIYE oo Laba garab u kala jabay iyo Masuuliyiin Reer Saaxil ah oo iskaga soo dareeray Burco.

Musharaxii guddoomiye ku xigeenka Kulmiye Xildhibaan Cabdilaahi Muuse iyo masuuliyiin kale oo uu hogaaminaayo ayaa caawa iskaga soo huleelay magaala Burco ee shirka golaha dhexee xisbigu ka dhacaayo, kuwaas oo aan ka qayb gali doonin shirka.

Masuuliyiintan oo u badan xildhibaano ayaa saluugay qaabka uu wax u wado Madaxwaynuhu, sida ay I sheegen qaarkood oo aan la xidhiidhay.

Xildhibaan Cabdilaahi Muuse oo hogaanka xisbiga u tartamaaya ayaa wararku sheegen in uu dalbaday in la kulmo madaxweyne Muuse Biixi balse taasi uu ku gacan shaydhay Madaxwayne Biixi, taas oo u cuntami wayday siyaasiyiinta reer Saaxil, kuna keliftay in ay caawa iskaga baxaan magaaladii shirku ka dhacayay oo ay ku hoydaan Berbera.

Madaxwyne Biixi ayay wararku sheegayaan in dhabarka taabtay oo si toos ah u taageerayo siyaasiga Cabdicasiis Samaale iyada oo uu la tartamaya siyaasi Axmed Ilkacase oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Saaxil si tartanka u qurxiyo.

Lama garanaayo halka ay ku danbayn doonto arinta khilaafkan ka dhex abuurmay Xisbiga Kulmiye oo berri u furmi doona shirkiisa golaha dhexe.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top