Connect with us

somalilandtoday.com

Waa kuma Ninka nabadda ka shaqeyn jiray ee ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Laascanood?

focus

Waa kuma Ninka nabadda ka shaqeyn jiray ee ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Laascanood?

Waa kuma Ninka nabadda ka shaqeyn jiray ee ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Laascanood?

Saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaal shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, nin nabaddoon caan ahaa, oo lagu magacaabi jiray Amiir Jaamac uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.

Waa kumaa Amiir Jaamac Maxamed Mire?

Amiir Jaamac maxamed Mire oo lagu naanaysi jirey Digaale, wuxuu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadkii 1942. Yaraantiisii wuxuu ku koray miyiga magaalada, kadibna wuxuu u soo wareegey magaalada Laascaanood oo aabbihii Maxamed Mire ka mid ahaa dadkii aasaasay magaalada ganacsina ku haystey.

Noloshiisu waxay u badnayd dhinaca ganacsiga iyo nabadaynta bulshada Soomalida. Ganacsigii ugu ballaadhnaa wuxuu ku lahaa magaalada Burco, wuxuu ahaa milkiilaha Hotel Daalo, dhanka kale wuxuu ka ganacsan jiray xoolaha.

Amiir Jaamac muddadii burburkii dawladdii Soomaaliya wuxuu door laxaad leh ka qaatay dadaalladii nabadeed ee lagu heshiisiinayey beelaha reer woqooyiga gaar aha shirarkii Ceerigaabo oo ah meesha uu ka raacay magaca Amiirku.

Amiir Jaamac wuxuu soo qabtay xilka guddoomiyaha gobolka Sool sannadihii 1999-2001.

Sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa nin oday ah oo laasimay masaajidka, muxtarimna ka ah magaalada, sida uu noo sheegay qof qaraabadiisa ah.

Amiir wuxuu aabbe u ahaa 13 carruur ah oo kala ha 7 wiil iyo 6 gabdhood.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top