Connect with us

somalilandtoday.com

89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka

focus

89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka

89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka

Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ayaa gaadhay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata Eyda wax urisaa ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.

Burbur baaxad leh ayaa gaadhay dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaadhi badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday.

Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaadhaya 2,200, iyadoo dhul beereed gaadhaya 850 hiktar uu gubtay.

Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo.

Eyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baadhis ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier.

More in focus

To Top