Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada Kenya oo wada-hadallo rasmi ah la bilowday mucaaradka si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed

focus

Dowlada Kenya oo wada-hadallo rasmi ah la bilowday mucaaradka si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed

Dowlada Kenya oo wada-hadallo rasmi ah la bilowday mucaaradka si loo xaliyo khilaafka siyaasadeed

Dowladda Kenya ayaa bilowday wadahadal ay la gasho mucaaradka si ay isku daydo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed oo keenay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay qiimaha maciishada oo aad u sarreeya, waxaana lagu baaqay in isbedel lagu sameeyo doorashada.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ayaa soo abaabulay dibadbaxyadii ugu dambeeyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal. Laakiin kuwa dadka u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in tirada ay intaa aad uga badan tahay.

Rabshadahaasi ayaa qeylo dhaan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda, waxaana lagu baaqay in la dhexdhexaadiyo si meesha looga saaro xiisadda taagan.

More in focus

To Top