Connect with us

somalilandtoday.com

“Keligood taliyayaashii taariikhda soo maray dhammantood shan tiir ayay ku taagnayeen…”

News

“Keligood taliyayaashii taariikhda soo maray dhammantood shan tiir ayay ku taagnayeen…”

“Keligood taliyayaashii taariikhda soo maray dhammantood shan tiir ayay ku taagnayeen…”

Keligood taliyayaashii taariikhda soo maray dhammantood shan tiir ayay ku taagnayeen, taasi oo aynu kala dhex baxaynno dhacdooyinka Qur’aanka kariimka ah ku xardhan ee Fircoon, isla markaana shantaasi tiir haddii ay bulshada ku dhamaystirmaan uu halaag xigayo sidi Fircoonba loo halaagay:

1-Madaxwayne Keligii taliye ah sida ‘Fircoon’
2-Wasiir madaxda isku dhadha jiya, oo madaxwaynahaa daalinka ah u sacbiya, kaalintaana ‘Haamaan’ayaa ugu jiray fircoon.
3-Ganacsato, kaligii taliyaha dhaqaalahooda ugu adeega ayaguna ka faa’idaysta oo mashaariicda ka qaata, booska waxa fircoon ugu jiray ninkii la odhan jiray’ Qaaruun’.
4-Abwaanada, oo maanta halkoodii ay kujirto warbaahintu, si guudna ah dadka ra’yul caamka bulshada jiheeya, waxaanay dadkii ku yidhaahdeen:”
هل أنتم مجتمعون ، لعلنا نتبع السحرة إن كانوا هم
الغالبين”
5-Aqoonyahan lacag iyo kursi doon ah, oo waagaasi aqoontii ugu mudnayd waxay ahayd ‘Sixirka’ raggi fooladka u ahaa aqoontuna waxay ahaayeen sixiroolayaasha, ayaganuna waxa ay yidhaahden:
وَجَاءَ السَّحَرَةُ فِرْعَوْنَ قَالُوا إِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ لَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ

Soo koobid Khudbaddii Jimcaha.
Sheekh Almis Xaaji Yaxye.

More in News

To Top