Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka oo Shiinaha ku eedeeyay faragalinta uu ku hayo Laascaanood

focus

Maraykanka oo Shiinaha ku eedeeyay faragalinta uu ku hayo Laascaanood

Maraykanka oo Shiinaha ku eedeeyay faragalinta uu ku hayo Laascaanood

Maraykanka ayaa sanadkan qorshaynaya innuu xeerka Miisaaniyaddiisa Difaaca ku darro miisaaniyaddii ugu badnayd ee uu ka leeyahay danihiisa amni ee badda cas iyo geeska Afrika, waxaannu culayska saarayaa dekedda iyo madaarka ciidamadda ee Berbera.


Sanadkasta Maraykanku waxa uu qorsheeyaa Miisaaniyaddiisa ciidamadda ee gudaha dalkiisa iyo dibeda, waxaana qayb ka ahayd sanadkii hore daraasado laga soo sameeyay Somaliland kuwaas oo qayb ka ahaa xeerkii difaaca ee hore Baarlamaanka dalkaasi ugu ansixiyey xidhiidhka Maraykanku la yeelanayo Somaliland.


Dawladda Maraykanka gaar ahaan labada xisbi ee ugu awooda wayn oo saamayn ku leh Odoroska Miisaaniyadda iyo meel marinta mashruuca sharci ee miisaaniyad sanadeedkan ayaa si wadajir ah dabada uga riixaya waxaanay sanadkan kala saareen Somaliya iyo Somaliland, waxaanay draftka mashruucan sharci sanadkan gaar uga saareen ta Somaliland.
Miisaaniyad sanadeedkam waxa kale oo ay Maraykanku xoogga ku saarayaan sidii Somaliland looga caawin lahaa khilaafaadka ka taagam gaara ahaan dagaalka Laascaanood oo ay si gaar ah ugu xuseen inay Somaliland ka mid tahay.
Faragalinta uu shiinuhu ku hayo dalalka geeska gaar ahaan kuwa badda cas iyo sidii maraykanku isha ugu hayn lahaa aayaa iyana odoroska miisaaniyadda lagu daray, iyo waliba dedaaladda ay Taiwan ka wado Somaliland oo ay ku sheegeen in la taageero.

More in focus

To Top