Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa laba maalmood ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo hadafku yahay in meesha laga saaro caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa muddo badan aqoonsiga Somaliland.
Waxaa Xildhibaan katirsan xisbiga Conservative ee laga soo doorto South Staffordshire wuxuuna xildhibaan ahaa ilaa bishii march 2010.
Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland ay wax badan oo horumar ah gaadhay muddadii ay aqoonsiga raadineysay.
Sidoo kale waxa uu hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diid ah.
William waxaa sidoo kale sharcigan la riixaya Xildhibaano gaadhaya ilaa 10 waxaana kala yihiin:
Ian Paisley
Waa Xildhibaanka Xisbiga Midowga Dimuqraadiga ee laga soo doorto Waqooyiga Antrim, wuxuu si joogto ah xildhibaan u ahaa tan iyo 6dii may 2010.
Lan ayaa sidoo kale ah Afhayeenka xisbiga ee dhanka Dhaqanka, Warbaahinta, Isboortiga, Bulshooyinka iyo Dowladda Hoose.
Waxaa uu ku dhashay magaalada Belfast ee ku taalla Ireland 12 Diseembar 1966, da’diisuna waa 56.
Kim Johnson
Waa xildhibaanad katirsan xisbiga shaqaalaha lagana soo doorto magaalada Liverpool, waxayna xildhibaana aheyd tan iyo 12 Diseembar 2019.
Waxay dhalatay 25 August 1966. Kim waxay hore u aheyd sarkaal ka shaqeeya horumarinta bulshada, ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka.
Waxay shahaadada Dibloomada ka haysataa Shaqada Dhalinyarada iyo Bulshada.
Alexander Paul Thomas Stafford
Wuxuu dhashay 19 July 1987, xubin katisan baarlamaanka UK.
Waxaa laga soo doortay magaalada Rother Valley, wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2019-ka.
Alexander Paul Thomas waa muxaafidkii ugu horeeyay ee loo doorto kursiga.
Sidookale waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga muxaafadka ee dhinaca siyaasadda ilaa bishii Sebtembar 2022.
Wuxuu dhashay 1987, Alex Stafford wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Oxford, isagoo horay uga soo shaqeeyay qeybta isgaarsiinta ee Shell, iyo World Wide Fund for Nature (WWF) ka hor inta aan loo dooran Baarlamaanka.