Connect with us

somalilandtoday.com

Suuqii ganacisga ee ugu weynaa magaalada Jigjiga oo dab-xoogle qabsaday

focus

Suuqii ganacisga ee ugu weynaa magaalada Jigjiga oo dab-xoogle qabsaday

Suuqii ganacisga ee ugu weynaa magaalada Jigjiga oo dab-xoogle qabsaday

Dab xoog leh oo wadad qabsaday dhammaan Suuqa Taywaan oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dabkaan ayaa waxay wararku sheegayaa in wada qabsaday dhammaan suuqa oo dhan. Dab-damiskii soo gaadhay ayaa ilaa hadda aan ku guuleysan in ay damiyaan.

“Suuqii weynaa ee Taywaan waa dambus. Waxaan ku tilmaami karaa musiibadii ka dhacay Suuqii weynaa ee Waaheen ee magaalada Hargeysa” ayuu yidhi wariye ku sugan DDS ee Itoobiya

Gurmad dab-damis ah oo ka kala yimid Hargeysa, Dirdhabe iyo Harar ayaa soo gaadhay goobta uu dabka ka kacay, laakin nasiib daro inta ayna soo gaadhin ayuu dabkaas is-qabsaday.

More in focus

To Top