Connect with us

somalilandtoday.com

Markabkii ugu weynaa Dunid ee rakaab qaada oo la shaaciyay xilliga howlgalkiisa

focus

Markabkii ugu weynaa Dunid ee rakaab qaada oo la shaaciyay xilliga howlgalkiisa

Markabkii ugu weynaa Dunid ee rakaab qaada oo la shaaciyay xilliga howlgalkiisa

Waxaa soo dhow xilligii uu hawlgali lahaa markabka ugu weyn dunida ee rakaab qaada. Bisha January ee sannadka soo socda ayaa la filayaa inuu safarkiisa ugu horreeya sameeyo Icon of the seas.

Waxaa iminka soo dhamaaday socdaalkii ugu horreeyey ee tijaabada ahaa ee markabkaas uu ku samaynayey badda.

Wuxuu dib ugu laabtay halka maraakiibta lagu sameeyo ee Meyer Turku, Finland, ka dib markii uu afar maalmood badda ku jiray ayadoo la tijaabinayey matoorrada iyo qalabka ku xiran ee tiknoloojiyada casriga ah ku shaqeeya.

Boqollaal qof ayaa afartaas maalmood waxay ka shaqaynayeen in wixii cillad farsamo ah ay eegaan, dibna ugu soo celiayaan jawaabta xarunta markabka lagu dhisay.

27 January 2024 ayaa la qorshaynayaa in uu socdaalkiisa ugu horreeya kaga soo ambabaxo dekedda Miami ee Maraykanka.

Marka laga hadlayo baaxaddiisa, waa markabkii ugu horreeyey ee baaxad ahaan ugu weyn maraakiibta qaada dalxiiseyaasha.

Dhererkiisu waa 365 mitir, culayskiisuna waa 250,800 oo tan. Wuxuu la mid yahay laba dhisme oo ah dhismaha CN Towers ee caanka ay ku tahay magaalada Toronto oo badda sabbaynaya.

Sida ay warbaahintu qorayso, wuxuu markabka Icon of the seas qaadi doonaa 5,610 qof oo rakaab taasoo ka yar tirada ugu badan ee uu qaadi karo.

Tirada ugu badan rakaabka uu mar qura qadi karo ayaa ah 7960. Shaqaalaha ka shaqaynaya ayaa iyagana lagu qiyaasay in ka badan 2,300 oo qof.

Wuxuu leeyahay barxad-biyoodka ugu weyn dunida oo gaarsiisan heerka lixaad. Marka sidaa la leeyahay waxa loola jeedaa in uu leeyahay markabka 6 meelood oo ah goobaha biyaha lagu cayaaro. Laakin qofkii raba wax intaa ka dheeraad ah waxaa u diyaarsan 7 berkadood oo lagu dabaasho iyo sagaal berkadood oo ah nooca ay ku rakiban yihiin mishiinnada biyaha walaaqa.

More in focus

To Top