Connect with us

somalilandtoday.com

Sharciga ugu adag ee ka dhan ah muhaajiriinta oo ka dhaqan-galay Mareykanka?

focus

Sharciga ugu adag ee ka dhan ah muhaajiriinta oo ka dhaqan-galay Mareykanka?

Sharciga ugu adag ee ka dhan ah muhaajiriinta oo ka dhaqan-galay Mareykanka?

Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhowaan meel mariyay sharciga SB 1718, oo uu dabada ka riixayay badhasaabka xisbiga Jamhuuriga Ron DeSantis.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta.

Goobaha ganacsiga ayaa shaqaalahooda uga digay in shaqooyinkooda ay khatar ku jiraan.

Sharcigan cusub ayaa soo galootiga aan la diwaan-gelin ka mamnuucaya inay helaan shaqo, kaadhadhka aqoonsiga, adeegyada caafimaadka iyo gaadiid. Sharcigan ayaa dhaqan-galay toddobaadkan.

Sharcigii ugu adkaa ee ka dhan ah muhaajiriinta”

DeSantis ayaa ku tilmaamay SB 1718 inuu yahay “kii ugu adkaa ee muhaajiriin sharci-darrada ah ka dhan ah ee dalkaas laga dhaqan-geliyo.”

Sharcigan ayaa ku qasbaya shirkadaha ay ka shaqeeyaan in ka badan 25 qof ama ka badan inay adeegsadaan hannaan lagu xaqiijinayo shaqaalaha (oo lagu magacaabo E-Verify), wuxuu ganaax US$1,000 maalintii kusoo rogayaa shirkadaha shaqaaleysiiya qof aan diwaan-gashaneyn, iyo in lagala laaban doono liisanka.

Wuxuu sharcigan sidoo kale mamnuucayaa in kaadhadhka aqoonsi la siiyo dadka sharci-darrada kusoo gala Mareykanka.

Sidoo kale cisbitaallada ayaa laga doonayaa inay ururiyaan xogta bukaanka una soo gudbiyaan maamulka gobolka.

Sharcigan ayaa sidoo kale dembi ka dhigaya in gaadhi lagu qaado qof aan diwaan-gashaneyn.

Machadka Siyaasadda Soo-galootiga, oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ayaa ku qiyaasaya 772,000 muhaajiriin aan diwaan-gashaneyn ay ku nool yihiin Florida.

More in focus

To Top