Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay

focus

IRAN oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay

IRAN oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay

Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm.

Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun.

Booliiska ayaa dhawaan diiday codsiyo la mid ah kuwa mudaaharaadyada, balse maxkamada ayaa markaas xukuntay in loo ogolaado sababo la xidhiidh xoriyadda hadalka.

Muslimiintu waxay Qur’aanka kariimka ah u haystaan ​​inuu yahay kitaabka Ilaahay waxayna u arkaan xushmad la’aan in la gubo.

Mr Amirabdollahian ayaa sheegay in inkasta oo la magacaabay safiiro cusub, Tehran ayna soo diri doonin.

“Habka loo dirayo dadkaasi waa la joojiyay sababo la xidhiidh dowladda Sweden oo fasax u siisay in qur’aanka kariimka ah la xumeeyo”, ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sidoo kale ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah.

Waxay yidhaahdeen maadaama uu weli haysto dhalashada Ciraaq, waa in lagu maxkamadeeyaa Baqdaad.

Dhacdadan kadib, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, ka dib markii uu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr.

Waxay baxeen shan iyo toban daqiiqo ka dib markii ciidamada amniga la geeyay safaaradda.

More in focus

To Top