Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii u dambeeyay rabashada Faransiiska ka socda + Booliska iyo Dibadbaxayasha Faransiiska oo isku dhacay

focus

Wararkii u dambeeyay rabashada Faransiiska ka socda + Booliska iyo Dibadbaxayasha Faransiiska oo isku dhacay

Wararkii u dambeeyay rabashada Faransiiska ka socda + Booliska iyo Dibadbaxayasha Faransiiska oo isku dhacay

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warramaysa in wiil 19 jir ah uu ka soo dhacay saqafka sare ee dukaan weyn oo ku yaalla magaalada Rouen ka dibna uu ku dhintay cisbitaalka.

Wali lama xaqiijin inuu qayb ka ahaa mudaaharaadyada.

Booliska ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhacdan ay ka dhacday xaafada Petit-Quevilly oo ku taal goob laga dukaameysto oo ay bililiqeysteen mudaaharaadyadaal rabshado wata.

Markii rabshaduhu billowdeen horraantii toddobaadkan, qaar kamid ah mudaaharadayaasha ayaa inta badan weeraray dhismayaasha dadweynaha sida hoolalka magaalada, maktabadaha iyo xarumaha bulshada.

Waxay maalmihii u dambeeyay diiradda saareen bililiqada iyo dhaca Tukaamada .

Waxaa jiray bililiqo badan habeenkii jimcaha waxaana laga yaabaa in dukaamo badan ay xidhnaadaan toddobaadkan.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dib u dhigaya booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Jarmalka, taasoo ka dhalatay qalalaasaha ka taagan Faransiiska.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Faransiis ah ku tago Jarmalka muddo 23 sano ah.

Madaxtooyada Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in “madaxweynaha Faransiiska Macron uu maanta khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier oo uu uga warbixiyay xaaladda dalkiisa.

Madaxweyne Macron waxa uu codsaday in dib loo dhigo booqashadiisa qaran ee la qorsheeyay in uu ku tago Jarmalka.”

Steinmeier “waa uu ka xunyahay baajinta wuxuuna si buuxda u fahmay xaaladda dalka aan jaarka nahay,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Wali lama helin taariikh la qorsheeyay safarka Macron uu ku tegi doono Jarmalka.

More in focus

To Top