Connect with us

somalilandtoday.com

Muxuu yahay Xanuunka ku dhacay madaxweynaha Mareykanka ee uu la hurdi la’yahay

focus

Muxuu yahay Xanuunka ku dhacay madaxweynaha Mareykanka ee uu la hurdi la’yahay

Muxuu yahay Xanuunka ku dhacay madaxweynaha Mareykanka ee uu la hurdi la’yahay

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in Joe Biden, oo ah madaxweynihii ugu da’da weynaa ee taariikhda Mareykanka, uu isticmaalo qalab caafimaad oo lagu daweynayo cilladaha hurdada.

Xanuunka Apnea ee hurdada waa xanuun ay neefsashadu kala go’do si isdaba joog ah inta uu qofka hurdo.

Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, Madaxweyne Joe Biden wuxuu isticmaalayaa mashiinka la yidhahdo CPAP.

Qalabka CPAP wuxuu si tartiib ah hawada ugu shubaa maaskarada afka iyo sanka inta lagu jiro hurdada, taasoo ka dhigaysa in marinnada neefta furmaan.

Warka ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ee Biden oo hurdadii u adeegsaday qalab caafimaad ayaa yimid ka dib markii ay wariyayaashu arkeen hadhaaga maaskaro loo adeegsaday qalabka CRAP si uu habeenkii ugu neefsado madaxweynaha 80 jirka ah.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in qiyaastii 30 milyan oo Maraykan ah ay la ildaran yihiin xanuunka hurdada.

Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Biden “uu daaha ka qaadayay xanuunka hurdada oo uu ku sheegay warbixinno caafimaad oo dhamaystiran tan iyo 2008-dii.”

“Madaxweyne Biden wuxuu isticmaalay mishiinka CPAP xalay, taas oo caadi u ah dadka qaba xaaladdan,” ayuu yidhi.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa markii dambe qiray inay isticmaalayeen mashiinka CPAP dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Xanuunka Hurdo la’aanta waa mid ka mid ah xanuunada hurdada ee ugu badan adduunka, oo saameeyay ilaa hal bilyan oo qof oo ku nool daafaha dunida.

Daraasado caafimaad oo kala duwan ayaa muujinaya in xaaladda hurdo la’aanta ay sii korodho xilliga gabowga amaba da’da qofkaba marka ay sii korodho laakiin xaaladdan waxay ku dhici kartaa qofkasta oo qaangaar ah.

Calaamadaha xanuunka apnea waxaa ka mid ah neefsashada oo si ku meel gaar ah u joogsato inta uu qofka hurddo, sare u kac ku yimaada neefsashada iyo khuurada.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xanuunka apnea ee hurdada la’aanta uu sababo xusuusta oo qofka ka dhunto iyo daal badan oo sababi kara shil.

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in haddii dadku ay aad u khuuriyaan, neefsashaduna ay ku adkaato habeenkii, maalintiina ay dareemaan hurdo ama daal, habeenkiina ay si lama filaan ah u soo kacaan, waa in ay booqdaan dhakhtarkooda oo ay baaritaan dheeraad ah sameeyaan.

Maxay yihiin Calaamadaha Xanuunkan lagu garto?

Calaamadaha ugu caansan ee xanuunka hurdada qofka u diidaya waxaa ka mid ah:

-Khuuro dheer

-Inuu qofka joojiyo neefsashada qeybo ka mid ah jirkiisa inta uu hurddo.

-Neefsaso xooggan.

-Inuu qofka soo baraaruga isago afka qalalan yahay.

-Madax xanuun gaar ahaan subaxdii.

-Hurdada oo kugu adkaata, ama ay hurdo la’aan kuugu dhacdo.

-Hurdo badan oo xilliga maalintii ah, oo loo yaqaan hypersomnia.

-Niyadda qofka oo maqnaato marka uu soo jiido.

-Xanaaq badan

Sidee loo xakameyn karaa xanuunka apnea ee hurdada?

-Haddii aad cayilan tahay, isku day in aad miisaankaaga dhinto

Hal dhinac u seexo oo barkin gaar ah isticmaal

– Jooji sigaarka

-Ha isticmaalin kaniiniyada hurdada adiga oo aan dhakhtar la kaashan

-Dhibaatooyinka hurdada oo aad u daran ayaa laga yaabaa inay u baahdaan daawaynta rug caafimaadka.

-Waxaa ka mid ahaan kara isticmaalka mishiinka CPAP, kaas oo si tartiib ah hawada ugu shuba afka iyo sanka marka aad seexanayso oo ka dhigaysa marin-haweedka mid furan.

More in focus

To Top