Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo hambalyo u diray Shacbiga Somaliland munaasibadda Ciidal Adxada awgeed.

focus

27/06/2023-10/12/1444-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacbiga Somaliland, farxada maalinta Ciidal Adxaha oo ku beegan beri oo ay bisha Dul-Xijah ee taariikhda Hijriyada Islaamku 10 tahay.

Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga u rajeeyay caafimaad-qab, cimri dherer, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan.

Ugu danbayn Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku booriyay in ay khayrka isku kaashadaan, wanaaga xoojiyaan, isku naxariistaan, isna cafiyaan, waxaanu Ilaahay uga baryay in ciidan, ciideeda ku gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Allaa mahad leh.

Ibraahim Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare.

More in focus

To Top