Connect with us

somalilandtoday.com

“Goormaan himiladaydiyo, Gaadhayaa hankaygoo, Dalkaygow ku helayaa, Adigoo hore u maray…”

focus

“Goormaan himiladaydiyo, Gaadhayaa hankaygoo, Dalkaygow ku helayaa, Adigoo hore u maray…”

“Goormaan himiladaydiyo, Gaadhayaa hankaygoo, Dalkaygow ku helayaa, Adigoo hore u maray…”

“Goormaan himiladaydiyo

Gaadhayaa hankaygoo

Dalkaygow ku helayaa

Adigoo hore u maray.”

Munaasibadda 26June awgeed waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland sannad guurada 63aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadoodii ka qaateen gumaystihi reer Yurub.

Dareenka ku aaddan habeenkaa oo ninba si u muujiyay, dhan iyo dacalna ka istaagay waxa aan ku cabbiray maansadan:

Goormaan himiladaydiyo,

Gaadhayaa hankaygoo,

Dalkaygow ku helayaa,

Adigoo hore u maray.

Goormaan hammigan iyo

Ladhku iga hadhaayoo,

Dadkaygow ku helayaa

Adigoo harraad baxay.

Goormaan hiilka dunidiyo,

Ictiraafka helaynnaa

Hagrashada ka baxaynnaa.

Goormaan horseed iyo

Noqonayaa hormuudkii,

Dunidu haybinaysoo,

Hagayaa islaamkoon

Haybaddiisa soo celin.

Goormaan hirarka noloshiyo

Gaadhayaa hilaaddoon,

Hogashiyo barwaaqada,

Hayaanka aan ku furayaa.

Goormaan hanfadihiyo

Hawo-raaca garanoo,

Kala saari hororkiyo,

Halyayga ii nasteexa ah.

Goormaan hayb la kala guro,

Hurgumada qabiilkiyo,

Quudhsiga ka hadhayaa.

Goormaan hubqaadkiyo

Hiddahayga wacan iyo

Huga dhaqanku leeyahay

Garanayaa qofkaan ahay.

Goormaan heli waxbarashiyo

Cilmiga haybaddiisiyo,

Edab lagu hagaagoo,

Dhaqankayga hodonka ah,

Da’yarta aan ka haqabtiri.

Goormaan hilaabtiyo

Hilayga aan ka jarayaa

Macdan haabta jiiftoo,

Harooyin shidaaliyo,

Hogagga dahabku yuururo

Dheemantaayn ku helayaa.

Goormaan hooyooyinkeenniyo,

Hableheennu dhigayaan,

Hengefta dhiillo-sidihiyo,

Hoogga tahriibku leeyahay.

Goormaan haweenkiyo,

Arkayaa bartbaartoo,

Hurdadii ka toosoo,

Odaygu heegan yahayoo,

Geesiyaal horkacayiyo,

Cuimadiyo haldoorkuna,

Hirka muuqa dheer iyo

Dunida haybsanaysoo,

Hiyi qudha wadaagtoo

Diintuna seeska hoosiyo

Halbeegga nolosha ii tahay.

Mustaqbalka oo aan hilaadshiyo

Hindisiyo barbilow iyo

Xasanow hogo tusaaliyo

Midhkani waa iga hawraar

Hadba kii talada joogee

Haaneeda maandeeq hilin iyo

Tusaaliyo hogseeg laga ilaashiyo

Horseedehana waw toosh

Anigana hibo ilaah iyo

Deeq uu hodonku bixiyo

Abaal aan hadhayn iyo

Hadyad weeye ii taal.

Hambalyo ayaan mar kale leeyahay dadkayga iyo shacabkayga qiimaha badan.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top