Connect with us

somalilandtoday.com

Wiilka Madaxweyne Biden oo maxkamad lasoo taagayo, Somaliland ma ka suurtagali doontaa tallaabo noocan ahi?

focus

Wiilka Madaxweyne Biden oo maxkamad lasoo taagayo, Somaliland ma ka suurtagali doontaa tallaabo noocan ahi?

Wiilka Madaxweyne Biden oo maxkamad lasoo taagayo, Somaliland ma ka suurtagali doontaa tallaabo noocan ahi?

Wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter Biden ayaa 26-ka July kasoo hor muuqan doona maxkamad federal oo ku taalla gobolka Delaware, si uu u wajaho dacwado la xidhiidha canshuur iyo hub, waxaa sidaas Arbacadii lagu sheegay dokumenti maxkamadeed.

Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay in Hunter Biden, oo 53 jir ah, uu ogolaaday inuu qirto dambiga laba dacwadood oo fudud.

Dambiga koowaad ayaa la xidhiidha inuu ku guuldarreystay inuu bixiyo canshuurta dakhli soo galay, halka midka labaad uu yahay haysashada hub xilli jidhkiisu daroogeysnaa.

Heshiiska qirashada dambiga labaad ee la xidhiidha hubka ayaa Biden ka weecin doonta in lagu soo oogo dambi weyn oo federal, oo uu xabsi ku gali karo.

Dhageysiga Maxkamadda ee la mudeeyay ee 26-ka July ayaa noqon doonta mid uu Hunter si rasmi ah ugu waajaho dacwadaha islamarkaana ku galo heshiiska ay wada gaadheen Waaxda Cadaaladda.

Heshiiska, oo la gaadhay kadib baadhitaan federaal oo muddo socday, ayaa waxaa weli qasab ah inay ansixiso garsooraha maxkamadda federalka ee Delware Maryellen Noreika.

Warka ku saabsan heshiiska ayaa dhaliyey cadho ka timid xubnaha Jamhuuriga oo ku saabsan in si eex leh loola dhaqmayo wiilka madaxweynaha Dimoqraadiga ah.

Eedaha Jamhuuriga ee ku saabsan in Hunter uu dhaq-dhaqaaq ganacsi oo sharci-darro ah uu ka sameeyey dalal ay ka mid yihiin Ukraine iyo Shiinaha ayaa horseeday baadhitaan ay ka dhasheen dacwadahan.

Jamhuuriga ayaa weli wada baadhitaan heer Congress ah oo u gaar ah oo ka dhan ah Hunter Biden.

Hunter Biden ayaa qareen, ololeeye iyo la-taliye u ahaa shirkado shisheeye, wuxuuna si shaacsan marar badan uga hadlay sida uu ula xarbinayo isticmaalka daroogooyinka.

Marar kala duwan wiilasha uu dhalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa eedaymo kala duwan loo jeediyay balse ma jirto illaa hadda cid tallaabo qaaday.

More in focus

To Top