Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii u dambeeyay xaalada magaalada Garoowe ee maamulka Puntland

focus

Wararkii u dambeeyay xaalada magaalada Garoowe ee maamulka Puntland

Wararkii u dambeeyay xaalada magaalada Garoowe ee maamulka Puntland

Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in jawiga magaalada uu saaka deggan yahay, inkastoo xalay laga maqlayay dhawaqa rasaasta.

dhanka kale Isimada Puntland ayaa iyaguna xalay sheegay in heshiis xabad joojin ah la gaadhay.


Lama oga khasaarihii ka dhashay dagaalka Garowe, inkastoo cisbitaalada la geeyay dhaawacyo.

Waxaa dib u bilowday isku socodka dadka iyo gaadiidka, inkastoo weli ay xidhan yihiin goobaha ganacsiga, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale dagaal dhexmaro dhinacyada dirirsan.

Dagaalkii shalay ka dhacay Garowe ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof. Waana dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Garowe, tan iyo dhismihii Puntland kaddib.

Isimada gobolka Nugaal iyo senatorada aqalka sare ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si heshiis looga gaadho khilaaafka.

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo ‘saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah’ sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top