Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaladda murugsan ee ku gedaaman tartanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

focus

Xaaladda murugsan ee ku gedaaman tartanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Xaaladda murugsan ee ku gedaaman tartanka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Mucaaradku tab iyo xeelad wuxuu u adeegsaday sidii uu Khaliif Kursiga u saari lahaayeen, waanay ku guuleysteen. Xukuumaddu iyo Xisbigeeduna  wixii tab iyo xeelad haysan in ay Faratoon ku dhisto way samaysay laakiin way ku guul daraysatay.

Imika haddaba maxaa jira? Mucaaradku waxay ku dedaalayaan tab iyo xeelad wixii ay hayaan in ay ku keenaan murrashax way wataan oo Mucaarad ah, madaama oo aanu jirin Xildhibaan Mucaarad ah oo reer Sool ah oo ay dhisi karaan waa ta keentay doodda taagan ee ah reer Awdal in ay dhisayaan ma jiro wax diidayaa, waana mid salka u haysta qorshahooda siyaasaddeed iyo istiraatijiyadda mustaqbalka. Qorshahooda iyo rogrogitaanka dookhkooda cidda ay guddoomiye ka dhigayaan weli may cadayn.

Halka dhibtu ka taagan tahay waa halkan ee ilaa imika qorshe cad ka jirin. Kulmiye iyo Xukuumaddiisu waxay u muuqdaan kuwo ay ka jiifto, dhawr sababood awgood;

 1. Iyaga oo ku mashquulay dagaalka Cabdirisaaq Khaliif, balse aanay qorshe cad oo uga dambeeyey haddii ay ku guulaystaan in ay  Khaliif ridaan, in ay qorshe dejin waayaan ayaa lafteeda loo aanaynayaa saddex qodob oo kala ah.

■ In aanay jirin awood iyo xildhibaanno ku filan oo ay ku ridi karayeen Khaliif.

■ In ay ka warqabeen in Mucaaradka iyo Kaah ku heshiiyeen in ay difaacaan Kursiga Cabdirisaaq Khaliif

■In ay filayeen in dacwada ay ku soo oogeen khilaaf abuuri karto wakhtigana qaadan karto.

2. Kulmiye iyo Xukuumadda oo aan haysan Xildhibaanno aqlabiyad ah oo wixii ay doonayso kaga fushan karto Golaha Wakiillada, ciddii ay doonayso ay ku keeni karto Guddoomiyaha Golahaas

3. Faratoon iyo Kulmiye oo kala xidhiidh furtay, markii uu Kaah ku biiray,  isla markaana waxa ay ku  dhiiran Kari waayeen in ay soo bandhigaan cid kale oo ay Guddoomiye u wataan, madaama ugu yaraan ilaa saddex Xildhibaan oo Reer Sool ah oo KULMIYE ka soo baxay ay joogaan, sababta ay ugu dhiiran waayeen waa in aanay keligood dhisi karin Mucaaradka iyo Xildhibaannada Kaah ka iibin karayn.

Kaah

Xildhibaannada taageera Urur-siyaasaddeedka Kaah iyo Guddoomiyaha Ururkaas Faratoon ayey si weyn ugu ololaynayaan una taageersan yihiin.

Xukuumadda iyo Xisbigeedu way ku khasban yihiin  sababo jiro awgood in ay badhitaaraan Faratoon oo Kaah, Guddoomiye kuxigeen  ah.

Mucaaradka iyo Kaah

Mucaaradku iyo Kaah waxyaabo badan oo dhinaca mucaaradnimada waa iskaga aragti, Faratoon laftiisa way ka wada hadli karaan, laakiin caqabad  jirta ayaa ah in haddii Faratoon ay la dhisaan, waxay Mucaaradku ku gorgortamayaan in labada Xigeen qaataan, taas oo xujo adag ku ah Xildhibaannada Kaah taageera in ay suuq soo dhigaan kursiga Guddoomiye kuxigeenka 1–aad Siciid Giirre.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladan murugsan ayaa waxa sabab u ah ayaa la odhan karaa doorkii Kulmiye iyo xukuumadda oo hooseeya, Kaalinta saameynta leh ee Xildhibaannada Kaah taageera iyo qorshaha cusub ee Mucaaradku ku doonayaan in ay ku sii xejistaan kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Sidoo kale xaaladdan murugsan waxa qayb ka ah loollanka oo marmarka qaarkood ku salaysan deegaamaysi.

Golaha Wakiillada ayaa galay fasax gaaban 45 maalmood ah, intaas fasax lagu jiro wax badan bannaanka lagu sii dhameeyo oo qolo walba  hal qof oo ay is leedahay cod uu guddoomiye ku noqdo ayaad u helaysaan la yimaadaan Golaha

More in focus

To Top