Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi oo mar kale abuuraya khilaaf iyo muran uu doorashada dib ugu dhigayo

focus

Madaxweyne Biixi oo mar kale abuuraya khilaaf iyo muran uu doorashada dib ugu dhigayo

Madaxweyne Biixi oo mar kale abuuraya khilaaf iyo muran uu doorashada dib ugu dhigayo

 Markii jihada cusub la qaaday,  dhacdooyin isku sidkan oo dhamaantood  gundhigoodu  hal qodob  yahay?

31/05/2021, waxa Somaliland ka dhacday doorasho isku sidkan oo ahayd Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka

Bishii June, waxa soo baxday natiijadii doorashada, oo noqotay mid mucaaradku guul weyn ka gadheen, taas oo ah in aqlabiyad Golaha Wakiillada oo ahaa 82 xidhibaan in mucaaradka (Waddani iyo UCID) heleen 52 ka mid ah 82 xubnood.

Bishii July/2021,  Maayarada lix magaalo ee waaweyn ee Somaliland shan ka mid ah Mucaaradka helay oo loo doortay,marka laga tago Berbera.

Bishii AUGUST/2021-kii, ayaa jugtii u weynayd gaadhay Xukuumadda iyo Xisbigeeda, ka dib markii si lama filaan ah Mucaaradka ugu  guuleysteen saddexda xubnood ee shirguddoonka Golaha Wakiillada, taas oo Kulmiye iyo xukuumaddiisu Tamar iyo wakhti badan geliyaan.

Isla bishaas, ayuu madaxweynuhu Golah wakiillada ee cusub ku soo celiyey xeerkii furashad Ururrada siyaasadda ee xeer 14/2021 oo golihii hore ansixiyeen, waana halka uu ka bilowday khilaafka siyaasaddeed ee ilaa maanta taagan.

November, 2021-kii Shirweynihii Waddani iyo Wareejintii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa dhacday, taas oo siyaasadda Somaliland wax ka beddeshay.

Isla bishaasi 20-keedii ayuu madaxweynuhu k hadlay wareejinta Kulmiye, maalmo ka dib markii guddoomiye Xirsi Cali xaaji Xasan loo doortay Guddoomiyaha Waddani.

December, 2021-kii ayaa maxkamadda sare dacwad u gudbiyeen koox Xildhibaanno ah iyo koox siyaasiyiin badan banaan ah oo urur doon la baxday oo ay dabada ka riixaysay xukuumaddu.

December 23-keedii ayaa Madaxweynuhu ku dhawaaqay in ururradii furan yihiin, dalkuna doorasho ururro gelayo, xilli aanay Maxkamadda sare ku dhawaaqin dacwada loo gudbiyey.

Bishii January 2022-kii ayey Maxkamadda sare ku dhawaaqday in xeer 14/2011 dhaqan gal yahay, doorasho toos ah oo ururro la galayo, iyada oo maxkamaddu laashay dacwadii xildhibaannada aqbashayna dawcadii kooxda siyaasiyiinta ah.

 Isla bishii January dhamaadkeedii ayuu Madaxweynuhu magacaabay guddida diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda

Bilihii February ilaa March dhawr urur Siyaasaddeed ayaa lagu dhawaaqay

Bishii April 2022-ka, ayaa komishanka doorashooyinka oo diyaaranaya hawlaha doorashada madaxtooyada khilaaf la weriyey  gudahooda laga abuuray oo ka dhex qarxay

Bishii May 2022, ayey madaxweynuhu faro geliyey Komishanka isaga oo guddi u magacaabay

Isla bishii May 14-keedii ayaa xubintii u horreysay ee Komishanka ahi is casishay, halkaas waxa ku soo dhamaaday rejadii iyo qorshihii doorashada Madaxtooyada ee ay Komishankii wakhtigaasi wadeen, waxaana burburay Komishankii qabtay doorashadii isku sidkanayn gacanta ku hayey diyaarinta doorashadii Madaxtooyada.

Bishii June 2022, ayaa mudaharaad salmi ah oo ay mucaaradku sameeyeen, waxa uu keenay in siyaasiyiin mucaaradka ah la xidh xidho, kuwo kale la jidh dilo, halka taageerayaasha qaarkood la garaacay.

Bishii June ilaa July ayaa la ansixiyey oo la dhamaystiray xubnaha komishanka cusub.

Bishii AUGUST 2022-kii, mucaaradka ayaa isu soo baxyo waaweyn oo ay xukumadda iyo dib u dhaca doorashada kaga cabanayeen ka sameeyey gobollada waa weyn ee dalka, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayey dad ku dhinteen markii ciidanku rasaas u adeegsadeen.

Isla bishaas maalintii mudaharaadku dhacay habeenimadii ayuu madaxweynuhu ku eedeeyey ayaa ku eedeeyey Cirro iyo Faysal wixii dhacay.

Bishii September 24 ayaa Komishankii cusbaa sheegeen in ay Sagal bilood ku qaban karaan doorashada madaxtoyada, iyaga oo madaxweyne u gudbiyey, isla markaana madaxweynuhu u sii gudbiyey Golaha Guurtida.

Isla bisha Golaha Wakiillada ayaa wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyey xeer 14/2011, taas oo abuurtay khilaafka Golaha Guurtiduna markii loo gudbiyey dib u soo celiyaan, halka Wakiilladu markale ku celiyeen.

Bishii October 2022-kii ayaa Golaha Guurtidu u kordhisay Madaxweynaha muddo laba sanno ah oo aan ahayn wakhtigii Komishanku  sheegeen in ay doorasho madaxtooyo ku qaban karaan ee sagaalka bilood ahayd, waxaana halkaas ku soo afmeeran tahay rejadii doorasho dhacda 2022-ka oo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto.

Isla bishan waxa sii khilaafka ayaa sii xoogeystay, mucaaradka ayaa diiday muddo kordhinta loo sameeyey Madaxweynaha.

Bishii November waxa ku eekayd maalintii ahayd in ay dhacdo doorashada madaxtooyadu

Isla bishaas, Mucaaradka ayaa sheegay in aanay aqoonsanay madaxweyne Muuse Biixi inuu yahay Madaxweyne madaama wakhtigii la doortay uu dhamaaday.

Bishii December 26 ayaa Laascanood lagu dilay Cabdifataax Hadraawi Sangub,

27 isla bishaas ayey mudahahaadyo iyo kacdoon ka bilowdeen Laascaanood

28 bishaas, ayaa diiwaan Gelinta codbixiyeyaasha loo dareeray guud ahaan Somaliland.

Bishii February 2023-ka, ayaa dagaallo toos ahi ka bilowdeen Laascaanood kuwaas oo weli socda.

Isla bishaas 26-keedii ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku eedeeyey Madaxweyne in talaabo kasta oo dhinaca nabadda loo qaaday ay ka socon wayday dhinac Madaxweynaha

Bilihii March, April ilaa May, waxa bilowday cadaadis Beesha caalamku saarayso Madaxweynaha oo ay ku cadaadinayaan inuu xal ka gaadho qabsoomida doorashada iyo xaaladda Laascaanood.

Bishan May 18keedii ayuu Madaxweynuhi sheegay inuu hayo, isagu furaha nabadda Laascaanood, sidoo kale waxa uu duray Beesha caalamka oo uu sheegay in aanay maamulin doorashooyinka Somaliland.

31 May, ayey dalka ka bilaaban tahay qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaashu.

Isla maalintan ayey Komishanku sheegeen  in go’aan doorasho ay soo saari doonaan oo dalku doorasho galayo marka kaadh qaybintu dhamaato.

 Bishan JUNE, Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda sare ayaa soo saaray dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Wakiillada, iyada oo Guddoomiyaha Golahaasi deedefeeyey.

Bishan June 21-keeda marka ay dhamaato kaadh qaybintu, waxa iyadu dhamaanaysa 9 bilood ee Komishanku ku sheegeen in ay doorasho Madaxtooyo ku qaban karaa

Khilaafka cusub bishan abuurmay lama oga halka uu ku dambayn doono, waana mid saamayn kara go’aanka Komishanku sheegeen in ay soo saarayaan.

Maxaa ku  baxay?

More in focus

To Top