Connect with us

somalilandtoday.com

Muxuu kaga badbaaday madaxweyne Ordagon, billaawihii lala beegsanayey.

focus

Muxuu kaga badbaaday madaxweyne Ordagon, billaawihii lala beegsanayey.

Muxuu kaga badbaaday madaxweyne Ordagon, billaawihii lala beegsanayey.

Madaxweyne Ordagan, waxaa mar kale u suurtogashay in uu ku guuleysto, Jagada madaxweynenimada dalka Turkiga. Taas oo uu hore haaneedkeeda u hayey (20) labaatan gu’u oo gaw ah (2003-2023). Madaxweyne Ordagan, wuxuu ku guuleystay in ka badan toban doorasho oo is daba joog ah, taas oo aan hore uga dhicin sooyaalka taariikhda siyaasadda Turkiga. Tan iyo intii la aasaasay jamhuuriyadda cusub ee Turkiga, ee maanta jiritaankeedu baarka ka jaray halka qarni ee buuxa (1923-2023).

Madaxweyne Ordagan, inkasta oo waqtiyadan danbe aad loo dhaliilo, isla markaana uu yeeshay col iyo cadaw badan, oo caasha isu saaray in ay ciilaan, ama mar uun ay cadaysimo ka dhigaan. Haddana, waxaan caad iyo ciiro midna ku daahneyn, in uu yahay hogaamiye leh hami waxqabad iyo himilo fog (visionary Leader). Kaas oo u horseeday dadkiisa, hodantinimo iyo horumar balaadhan, oo sabab u noqday in ay ka samatabaxaan, saboolnimadii iyo safkii dunida sadexaad, ee ay sabadeeda yuurureen sagaashanka sanadood.

Siyaasaddu waa hadhkaa labadiisa gelin, oo mar waa kufiso, marna waa kibriso. Sidaa darteed, doorkan Ordagan wuxuu ku badbaaday dirqi iyo tu xun. Wuxuuna ku sigtay in ay doontiisa dejiyaan, daadadka iyo duufaanada doc walba kaga soo fatahay. Isku soo duuboo, marka aan soo ururiyo nuxurka abaarta dulucdeena, madaxweyne Ordagan, waxaa maanta la baxsaday bisaylka siyaasadeed ee bulshadiisa, basarka uu u beerlaxawsaday bah-weynta dalkiisa, baylahda iyo bartiraynta badan ee ka soo baxday ragii ay beratamayeen, iyo isaga oo aan beenayn ee fuliyey dhamaan ballamihii uu qaaday, Xilligii uu ku jirey ololihii doorashadii 2018-kii.

Arrimahaasi, waa kuwa bud-dhiga u ah, waxyaalaha belaayo xijaabka uga noqday Ordagan, billaawihii lala beegsanayey. Dhacdadani waxay sida dharaarta u caddaysay, in madaxweyne Ordagan uu weli leeyahay taageerayaal dhumuc leh. Kuwaas oo dhab ka dhigay in uu yahay hogaamiye ku jiifa dhab libaax, kaas oo aanay dhigiisu dhayal, dhiniciisa dhulka u dhigi karin. Allahayoow, ummadayada ka dhig kuwo wax ku doorta aqoon iyo aragti. Balse, aan wax ku dooran anfac, aduun, eex, iyo ab iyo isir.

Gun iyo gebo-gebo, guusha madaxweyne Ordagan, waxay goblan iyo guri-tir ka dhigtay, gaashaan buurtii uu ka dhaxeeyey guluf weerarku. Kuwaas oo guudka u fidhanayey, in ay goor aan fogayn ku geeraari doonaan (waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jirey, ee bal dayaay wadaadkii waa kaa sii dabayshaday). Foosha siyaasaddu waxay leedahay filan-waa, iyo fajicisooyin farabadan. Hasayeeshee, waxaa markhaati ma doon noqotay, in madaxweyne Ordagan uu faraskiisu fayga la baxay, oo uu hadda farxad iyo foodhi geeraar ku jiro. Isagoo fal-celin iyo fariin dadban ku leh, ”Baay baay Kamaaloow”, (Dalka waan aqaano, bahal iga da’a weynoo, dad cun ahi ma joogee, ma didee hargoolow, ha igu tumin durbaanada, iyo daasadaha madhan).

Hambalyo madaxweyne Ordagan
Hambalyo shacbi weynaha Turkiga.

W/Q Maxamuud Xaashi Cabdi

More in focus

To Top