Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Puntland oo Albaabada ku garaacaya Shacabka gobolka Sanaag, isaga oo waydiisanaya inay codka siiyaan dooraashada berri qabsoomaysa

focus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni oo Albaabada ku garaacaya Shacabka Badhan, isaga oo waydiisanaya codka inay siiyaan ururkiisa xili maalinta berri ah la filayo inay ka qabsoonto deegaanada maamulkaas doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka.

“Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Degmada Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo.

In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023.

Waxaynu suntaynaa taariikh cusub oo soo noolaysay Rajada Shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Rajada u weyn ee dalkeenu waa in dadku codeeyo .” Madaxweyne Deni

More in focus

To Top