Connect with us

somalilandtoday.com

Baastada diyaarsan ee Induumi (Indomie) oo la ogaaday inay sababi karto noocyo ka mid ah xanuunka kansarka.

focus

Baastada diyaarsan ee Induumi (Indomie) oo la ogaaday inay sababi karto noocyo ka mid ah xanuunka kansarka.

Baastada diyaarsan ee Induumi (Indomie) oo la ogaaday inay sababi karto noocyo ka mid ah xanuunka kansarka.

Masuuliyiinta caafimaadka dalalka Malaysiya iyo Taywaan, ayaa war ay soo saareen saddex toddobaad ka hor waxa ay ka digeen baastada diyaarsan ee Induumi (Indomie) oo ay sheegeen in ay sababi karto noocyo ka mid ah xanuunka kansarka.

Waxa ay caddeeyeen in baastada Induumi (Indomie), gaar ahaan nooceeda digaagga ka samaysan  ay ku arkeen  isku dhiska lagu magacaabo Ethylene oo ah gaas laga soo saaro khudradda noocyo ka mid ah, taas oo sababta in cuntadu ay dhaqso u bislaato, in dhadhan ay u samayso iyo in cuntada diyaarsan ay ka ilaaliso bakteeriyada iyo jeermiska. Laakiin hay’adda dhowrista deegaanka ee dalka Maraykanka iyo dalal kale ayaa hore uga digay suurtagalnimada in gaastani ay keento kansar.

Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee CNN, Masuuliyiinta Malaysiya iyo Taywaan ayaa amray in suuqyada labadan dal laga saaro baastadan.

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalka Indooniisiya oo ah xarunta shirkadda soo saarta baastadan dunida caanka ka ah, iyo masuuliyiinta shirkadda ayaa ku dooday in nidaamka samaynta baastada iyo waxyaabaha lagu darayaaba ay yihiin kuwo la waafajiyey halbeegga ay shuruucda dalkaasi u dhigayaan badqabka iyo caafimaadka cuntada. Waxa se ay qireen in gaasta Ethylene ay ku jirto samayska baastadan. Iyada oo dhinaca kalana ay masuuliyiinta dawladdu uga digeen shirkadda soo saarta Induumi in ay baastada ku daraan xaddi badan oo Ethylene ah.

Induumi (Indomie) waa baasto diyaarsan oo si fudud loo isticmaali karo, waxa aanay ka mid tahay cuntooyinka dalkeenna loo soo dhoofiyo.

CNN

More in focus

To Top