Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhaxal sugaha dalka Boqotooyada Sacuudiga

focus

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhaxal sugaha dalka Boqotooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhaxal sugaha dalka Boqotooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagxisada ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ka gooni mid ah dowladdaha Carbeed ee sida weyn  taageera dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga u tagay maalin ka hor ka qeybgalka Meertada 32-aad ee shir madaxeedka Jamaacadda Carabta oo shalay halkaasi ka furmay, waxaana lagu wadaa mudada uu halkaasi ku sugan yahay inuu kulamo gooni ah uu la qaato qaar ka mid ah madaxda Caranta ee ka qeyb gashay shirka.

More in focus

To Top