63 sanno kahor ayaa London lagu saxeexay xornimada Somaliland. Haddaba, waa ayo afarta qof ee Ingiriiska kala xajootay xornimada
Lixdan iyo saddex sanno kahor, madax ka socota Somaliland ayaa u safray London, oo ahayd xarunta dhexe ee Wasaaradda Mustacmaradaha.
Wafdigaas waxaa hoggaaminayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Hoggaamiyihii Hawlaha Dawladda.
Waxaa se wehliyay Axmed Xaaji Ducaale (Keyse) oo ahaa Wasiirkii Khayraadka Dabiiciga ah, Cali Garaad Jaamac oo ahaa Wasiirkii Hawlaha-guud iyo Isgaadhsiinta iyo Xaaji Ibraahim Nuur oo ahaa Wasiirkii Adeegga Bulshada iyo xubno kale oo farsamo. Afartu waxay kala matelayeen labo xisbi oo isbaheysi ku jiray, oo haddana ahaa kuwa ugu saameynta weyn Somaliland.
Waa Xisbiga Ururka SNL loo soo gaabiyay ee Somali National League oo ay matelayeen Cigaal iyo Axmed Keyse iyo kan Xisbiga midnimada Soomaalida ee USP oo ay ka socdeen Cali Garaad Jaamac iy Xaaji Ibraahim Nuur. Waxay London kula yeesheen Wasaaradda Mustacmaradaha ee Ingriiska shir socday 10 maalin oo ay ku doonayeen xornimada Somaliland. Shirkaas waxaa lasoo gebogabeeyay 12kii May, 1960kii iyada oo lagu saxiixay in Somaliland xornimo qaadato 26 Juun 1960. Waxa heshiiskaa qalinka ku duugay mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo mudane Iain Macleod, Xoghayihii Xafiiska Mustacmaradaha Biritayn.
Waayo afartii nin ee Ingiriis kala heshiisay xornimada Somaliland?
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Cigaal wuxu dhashay sannadkii 1929-kii, wuxuuna geeriyooday 2002-dii. Wuxu noqday xoghayihii guud ee xisbigii SNL iyo xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Cigaal waxa laga soo doortay degmada Berbera, isaga oo sidoo kale noqday Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Hoggaamiyihii Hawlaha Dawladda xiligii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horreeyey.
Markii israacu dhacay Cigaal wuxu noqday Wasiirkii ugu horreeyey ee Difaaca iyo Wasiirkii Waxbarashada ee maamulkii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid. Sannadkii 1964 ayuu Cigaal isbahaysi siyaaseed la galay siyaasiyiin kale oo uu hormood u ahaa Sheekh Cali Jimcaale, waxayna ku midoobeen xisbi mucaarid ah oo loo yiqiin SNC. Muddo ayuu Cigaal mucaarid ahaa. Ugu dambeyn, Cigaal wuxu galay xisbigii xukuumadda ee SYL. Wuxu xulafo siyaaseed la sameeyey Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna markaa mucaarid ahaa. Cabdirashiid iyo Cigaal waxay ku guulaysteen doorashadii, wuxuuna Cigaal noqday raysalwasaare 1967.
Waxaa la afgembiyay xuumaddii rayidka ahayd ee Cigaal todobaad kaddib dilkii madaxweyne Cabdirashiid. Kadib waxa uu xirnaa ilaa 1975, isaga oo kadibna noqday Danjirihi Soomaaliya ee dalka Hindiya. Markale ayaa dib loo xiray sannadkii 1976. Cigaal wuxu ka mid noqday shirgudoonkii shirkii kowaad ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Jabuuti martigalisay 1991. Ugu dambeyn, Cigaal wuxu noqday madaxweynihii labaad ee Soomaaliland 1993. Mar kale ayaa xilkaa dib loogu doortay sannadkii 1997, wuxuuna geeriyooday isaga oo xilka haya sannadkii 2002.
Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmed-Keyse)
Axmed-Keyse wuxu dhashay sannadkii 1928, wuxuuna geeriyooday 2020. Axmed wuxu noqday kaaliyihii komishineerka ee degmada Laascaanood 1952-1954. Sidoo kale, Axmed wuxu ka mid ahaa xisbigii SNL, wuxuuna noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Axmed waxa laga soo doortay degmada Burco.
Waxa uu Axmed sidoo kale noqday Wasiirkii Khayraadka Dabiiciga ah ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horreeyey. Markii israacu dhacay Axmed wuxu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha ee maamulkii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid. Axmed xilkaa wuxu hayey muddo yar, wuuna iska casilay. Muddo yar kaddib, Axmed wuxu iskaga baxay baarlamaankii, isaga oo saluugsanaa hanaanka shaqo iyo farsamo ee dowladdii cusbeed ee Soomaaliya.
Muddo kaddib, Axmed waxa loo magacaabay danjire, wuxu ku soo shaqeeyey xilal danjiranimo, wuxuuna Soomaaliya danjire uga noqday dalal ay ka mid yihiin Jarmalkii Galbeed iyo Masar. Todobaatanadii, markii uu Axmed ka tagay shaqadii dawladda, wuxu ka shaqo bilaabay Baanka Islaamka ee xaruntiisu tahay Jidda, Sucuudiga. Kaddib, Axmed wuxu u wareegay dhanka dalka Maraykanka oo uu shaqooyin kale ka qabtay ka hor intii aanu halkaa ku geeriyoon.
Cali Garaad Jaamac
Cali Garaad Jaamac wuxu ku dhashay gobolka Sool, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho sannadkii 1986. Cali Garaad wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigii Midnimada Soomaalida ee USP, wuxuuna noqday gudoomiyihii xisbiga. Cali Garaad wuxu noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Cali Garaad Jaamac waxa laga soo doortay degmada Laascaanood. Waxa uu sidoo kale noqday Wasiirkii Hawlaha-guud iyo Isgaadhsiinta ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda.
Wakhtigii israaca ka hor, Cali Garaad oo ay Cigaal saaxiibo iskudhow ahaayeen ayaa taageeray fikirka ah in wakhti la siiyo midawga oo aan lagu degdegin. Wuxu dadka kala hadlay fagaaraha Khayriyadda Hargeysa. Siyaasiyiintii israaca rabtay iyo dadka oo aad u jibaysnaa ayaa hadalka Cali Garaad kaga warceliyey odhaahda caanka noqotay ee “laa yaa Garaad.” Markii israacu dhacay, sannadihii 1960 ilaa 1964 Cali Garaad Jaamac wuxu wasiir ka noqday wasaaradaha waxbarashada iyo beeraha. Sannadihii 1964 ilaa 1967 Cali Garaad wuxu ahaa xubin baarlamaan.
Cali Garaad wuxu qabtay xilkii garaadnimo ee beeshiisa, wuxuuna ahaa oday mucaarid ah oo ka soo horjeeda xukumaaddii Janaraal Maxamed Siyaad hoggaaminayey. Waa aabbeha Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadda ah garaadka guud ee beeshiisa islamarkaasna kaalin weyn oo hoggaamineyd ku leh colaada Laascaanood.
Xaaji Ibraahim Nuur Jaamac
Xaaji Ibraahim Nuur wuxu ku dhashay gobolka Awdal. Xaaji Ibraahim wuxu ka mid ahaa aasaasayaashii iyo hoggaankii xisbigii USP, wuxuuna noqday xubin ka tirsan golihii ugu horreeyey ee barlamaan ee Soomaaliland ee la doortay bishii Febarwari 1960. Xaaji Ibraahim waxa laga soo doortay degmada Boorama.
Dhanka kale, Xaaji Ibraahim wuxu noqday Wasiirkii Adeegga Bulshada ee maamulkii wakhtigii kala guurka iyo shanti maalmood ee xorriyadda ee israaca ka horreeyey.
Markii israacu dhacay, sannadihii 1960 ilaa 1964 Xaaji Ibraahim wuxu ahaa xubin baarlamaan, mana uu qaban wax wasaarad ah.
Wakhtigii dambe, Xaaji Ibraahim wuu ka nastay siyaasadda oo wuxu u wareegay hawlihiisii ganacsi. Xaaji Ibraahim wuxu ahaa maalqabeen hanti badan leh.
Dhanka kale, Xaaji Ibraahim wuxu ahaa halgamaa iyo oday wax badan ka soo qabtay hawlihii xorriyad-doonka Soomaalida. Sidoo kale, wuxu qayb libaax ka soo qaatay dhisidda aqoonta iyo dhaqaalaha bulshada ee degaanada galbeedka, gaar ahaan degaanada Saylac, Borama, Jaaraahorato iyo Dila.