Connect with us

somalilandtoday.com

Erdogan oo ka hadlay qorshahiisa doorashada madaxweyne ee ku celiska ah

focus

Erdogan oo ka hadlay qorshahiisa doorashada madaxweyne ee ku celiska ah

Erdogan oo ka hadlay qorshahiisa doorashada madaxweyne ee ku celiska ah

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la kulmay xubnaha xisbigiisa AK ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay dib ugu heli lahaayeen cododka ay lumiyeen wareeggii koowaad ee doorashada, iyo xitaa sida ay dib ugu kasban lahaayeen dadka u codeeyay xisbiyadda kale.

Waxa uu sheegay in uu xaliyay mashaakilka dalkiisa oo uu wax weyn ka bedelay mudada uu xukunka hayay, isaga oo xusay waxa keliya ee ay bedeli waayeen inay yihiin mucaaradka. “Waxaan rumeysnahay in doorashadan ay keeni doonto isbedelka aynu sugeynay sanadaha badan,” ayuu yiri Erdogan.

Wareega labaad ee doorashada madaxweynenimo ee Turkeyga ayaa loo balansan yahay 28ka bishan. Xisbiga Erdogan oo aqlabiyad ka heysta kuraasta baarlamaanka ayaa ku guuldareystay inay helaan wax ka badan konton boqolkiiba cododka doorashada madaxweyne ee axadii. Madaxweyne Erdogan ayaa helay 49 boqolkiiba halka musharaxa isbaheysiga mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 44 boqolkiiba tirada guud ee cododka. Wareega labaad ee doorashada ayaa dhici doonta 28 May.

More in focus

To Top