Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga

focus

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga

In ka badan 12 saacadood kaddib markii ay xidhmeen xarumihii codbixinta ee Turkiga iyo in ka badan 90% codadkii la dhiibtay oo la tiriyay, ilaa hadda ma cadda natiijada doorashada madaxweynaha.

1.Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay sida weyn u loollamayaan ee Kemal Kilicdaroglu midkoodna aanu helin codadka ugu badan ee loo baahan yahay si uu ugu guuleysto kursiga.

2.Natiijooyinka kama dambaysta ah lama soo saarin, laakiin codeyn ku celis ah ayaa u muuqata inay suurtogal tahay.

3.Erdogan oo xukunka hayay tan iyo 2002 – ayaa ku horreeya 49.49% codadka, waxaana uu u sheegay taageerayaashiisa xisbiga AK inuu aaminsan yahay inuu weli si toos ah u guuleysan karo.

4.Dhanka kale Kilicdaroglu oo aruursaday codad gaaraya 44.79% ayaa wacad ku maray inuu ku guuleysan doono doorashada wareeg labaad waa haddii la’isla aado.

5.Si kastaba ha ahaatee isbahaysiga AK Party ayaa la filayaa in ay soo dhisaan aqlabiyadda baarlamaanka.

6.Waa doorashadii ugu adkeyd ee dalka Turkiga ka dhacda muddo sanado ah, waxaana ay ku soo beegantay iyadoo dalkaasi uu la daalaa dhacayo sicir barar xoogan isla markaana uu ka soo kabsanayo dhulgariirkii ka dhacay dalkaasi horraantii sanadkan.

More in focus

To Top