Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda Internetka casriga ah ee Starlink oo bilowday qorshaha ay kaga hawlgalayso Soomaaliya

focus

Shirkadda Internetka casriga ah ee Starlink oo bilowday qorshaha ay kaga hawlgalayso Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya ayaa waxay xaqiijiyeen in wakiillada shirkadda Starlink ee bixisa adeegga internetka ay la kulmeen Hay’adda Isgaadhsiinta Soomaaliya.

SShirkaddan oo ah shirkad caalami ah, taasoo hormuud u ah addeegga internetka ee casriga ah ee Satellite-ka, waxay doonaysaa in ay noqdaan shirkad ka shaqeysa Soomaaliya.

Saraakiisha Starlink waxay toddobaadkan la kulmeen hay’adda isgaadhsiinta Soomaaliya  iyo wakiillo kale oo heer gobol ah.

Starlink waa satellite ballaadhan waxaan leh shirkada sida gaarka ah loo leeyahay ee dayax gacmeedyada ee Elon Musk. Starlink waxay bixisaa internet leh xawaare aad uga sarreeya midka hadda la isticmaalo.

Rajada hay’adda isgaadhsiinta ayaa ah in Starlink ay Soomaaliya siin karto adeeg internet oo xasilan.

Hadda, Starlink waxay ka hawlgashaa waddamo badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Ghana, Nigeria, Mozambique iyo Masar, iyada oo waddamo badan ay soo galayaan khadka mustaqbalka dhow.

More in focus

To Top