Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal maalintii saddexaad ka socda dalka Suudaan

focus

Dagaal maalintii saddexaad ka socda dalka Suudaan

Waxa dalka Suudaan maalintii saddexaad ka socda dagaalkii oo u dhexeeyay ciidanka mileteriga dalkaasi iyo ka ciidamada birmadka magacooda loo sio gaabiyo RSF.

Dagaalkan u dhaxeeya labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inuu ku fiday magaalooyin hor leh. Dad ka badan 100 qof ayaa ku qudh baxay dagaalkan maalintii saddexaad galay waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Qaybo badan oo ka mida magaalada caasimadda ah ee  Khartuum waxa ka maqan adeegyadii Korontada iyo biyaha, sidoo kale waxa joogsaday diyaaradihi halkaas ka degi jirey iyo duulimaayadii adeegsan jirey hawada waddankaasi.

Ciidamada dirirtu ku dhex marayso dalkani ayaan ilaa hadda dheg u dhigin baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan sidii wadahadal loogu dhamayn lahaa colaaddan sii baahaysa.

More in focus

To Top