Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay gacanta ku hayso amniga gobolka Sool

focus

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay gacanta ku hayso amniga gobolka Sool

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in ay gacanta ku hayso amniga gobolka Sool

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay iyadu gacanta ku hayso amniga gobolka Sool.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka.

“Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga” ayuu yidhi Cateeye

Caateeye waxa uu inta ku daray in ciidanka Somaliland uu dib u riixay xoogaga kasoo horjeeda, isla markaana ay soo celin doonaan amaanka Laascaanood.

“Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada Laascaanood” ayuu yidhi Caateeye

More in focus

To Top