Connect with us

somalilandtoday.com

Xaaladda Laascaanood oo deggen maalintii saddexaad oo xidhiidh ah

focus

Xaaladda Laascaanood oo deggen maalintii saddexaad oo xidhiidh ah

Xaaladda Laascaanood oo deggen maalintii saddexaad oo xidhiidh ah

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ay xaaladda magaaladu tahay mid deggan.

Dadka aan badneyn ee ku hadhay qaybaha kala duwan ee magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay muujinayaan cabsi ah in dagaalku xilli walba qarxi karto.

Shalay ayey ahayd markii deegaanka Adhicaddeeye ee gobolka Sool la sheegay in dadka deegaanka qaarkood ay halkaasi isaga carareen, kaddib xiisad ka dhalaty gaadhi ay leeyihiin ciidamada qaranka Somaliland oo la rasaaseeyay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay wali dhawrayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqeen ayna diyaar u yihiin in nabad lagu dhammeeyo xiisadda colaadeed ee Laascaanood.

More in focus

To Top