Connect with us

somalilandtoday.com

Xamsa Yuusuf oo noqday muslimkii ugu horreeyey ee abid raysal wasaare ka noqda Scotland

focus

Xamsa Yuusuf oo noqday muslimkii ugu horreeyey ee abid raysal wasaare ka noqda Scotland

Xamsa Yuusuf oo noqday muslimkii ugu horreeyey ee abid raysal wasaare ka noqda Scotland

Xamsa Yuusuf ayaa noqday muslimkii ugu horreeyey ee abid raysalwasaare ka noqda Scotland, kaddib markii uu xisbiga talada haya ee uu ka tirsan yahay xilkaas u doortay shalay isniintii 27 March 2023.

Xamse oo ah 37 jir hore wasiir u soo noqday, waxa uu ku dhashay Scotland, laakiin aabihii waxa uu ahaa soogalayti ka yimid dalka Pakistan, halka ay hooyadiina ahayd Aasiyaan ku dhalatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kooxaha mucaaradka ayaa muran badan ku abuuray raysalwasaarenimada Yuusuf oo la sheegay in uu ku wanaagsanyahay ku dhaqan diinta Islaamka, laakiin waa ay ka hor istaagi kari waayeen xilkaas ugu mudan gobalka.

Lix bilood ka hor ayaa raysalwasaaraha dalka Ingiriiska loo doortay Rishi Sunak oo ka soo jeeda dalka Hindiya, isaga oo noqday Aasiyaankii ugu horreeyey ee xilkaas qabta.

Scotland waa maamul gobaleed awood badan oo ka tirsan boqortooyada Ingiriiska, waxaana ka jira dhaqdhaqaaqyo gooni goosad ah oo xoog badan. sannadkii 2014 kii waxaa gobalka ka dhacday afti dadka la weydiiyey madaxbannaani iyo midow midka ay doonayaan, boqolkiiba 55 ayaana midnimada doortay, halka 45 ay dawlad u gaar ah dalbadeen.

More in focus

To Top