Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal saaka markale ka qarxay magaalada Laascaanood iyo wararkii u dambeeyay

focus

Dagaal saaka markale ka qarxay magaalada Laascaanood iyo wararkii u dambeeyay

Dagaal saaka markale ka qarxay magaalada Laascaanood iyo wararkii u dambeeyay

Dagaal u dhexeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka huwanta ah ee ka dagaalamaya Laascaanood, ayaa saaka markale qarxay, iyadoo uu dagaalku hada ka socdo qaar kamid ah jihooyinka magaalada.

Xukuumadda Somaliland oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in kooxo huwan ah oo iskugu jira ciidamada Puntland, kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is bahaysatay ay saaka weerar kusoo qaadeen fadhiisimada ciidanka millateriga, waxayna sheegtay in millaterigu ay iska difaaceen weerarka.

“Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag ayay isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ah oo maalmahan u danbeeyayba abaabulkiisa waday kuwaasoo ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer. Xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina Faray.

Wasaaradda Gaashaandhiga  Jamhuuriyadda Somaliland.”


Dhanka kale warsaxafadeed ay baahiyeen isimada dhaqanka ee Laascaanood ku sugan, ayaa dhankooda sheegay in weerarka ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen, waxayna sheegeen in ay is difaacayaan ilaa ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xaalada gobolka Sool ayaa daganayd maalmihii lasoo dhaafay marka laga reebo istuur tuur kooban oo mararka qaar labada dhinac dhexmarayay, waxaana jiray ciidamo beeleedyo kasoo qulqulayay dhinaca Puntland.


Illaa hadda laguma guulaysan in si buuxda xabada loo joojiyo iyada oo aan laga warhayn halka ay ku danbaysay dhexdhexaadin dowlada Itoobiya ka dhex waday dhinacyada, waxaana hada laga war sugayaa halka ay caga dhigato dhexdhexaadin ay wadaan odayaal Muqdisho ka yimid.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka saaka, iyadoo dagaalo maalmihii lasoo dhaafay dhacay uu ka dhashay khasaare ballaadhan.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top