Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Talyaaniga oo gacanta ku soo dhigay haweenay muddo dheer sanduuq ku qarinaysay hooyadeed oo dhimatay.

focus

Booliska magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen haweenay muddo dheer sanduuq ku qarinaysay hooyadeed oo dhimatay.

Dhacdadan oo si weyn u qabsatay baraha bulshada ayaa la sheegay in haweenyadu ay maydka hooyadeed ka qarisay cid walba oo ogaan lahayd iyada oo taa beddelkeedna ku riday sanduuq guriga u yaalley.

Gabadhan ayaa la sheegay in ay tan u samaysay si ay u biishato lacagtii hawl gabka ee hooyadeed ay qaadan jirtay taas oo laga jaran lahaa haddii geeridaada la shaaciyo.

Dadka jaarka la ah oo laamaha ammaanka war geliyey ayaa sheegay in duqa maykeeda la qariyey oo 90 jir ahayd aanay arag muddo aad u dheer.

Taas oo keentay in Boolis ay baadhis ku bilaabay gabadhii ay dhashay.

Balse haweenayda maydka qarsatay ayaa Bilayska u sheegtay in ay hooyadeed ku maqantahay meelaha dadka lagu xanneeneeyo. Warkaas isagana la ogaadey in uu been ahaa.

Haweenaydan oo aan shaqayn jirin ayaa lacagta hooyadeed qaadanaysay muddo dhawr bilood ah ka hor inta aan laga fashilin qorshihii ay maydkeeda ku qarinaysay.

More in focus

To Top