focus

Warar cusub oo ka soo kordhay xaaladda magaalada Laascaanood

Published on

Madax-dhaqaameed ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Garoowe kulan kula qaataan qaar ka mid ah Garaadada SSC iyagoo kala hadli doono in nabad laga gaadho dagaalka Laascaanood.

Ergadan ayaa sidoo kale la filayaa in ay yimaadaan magaalada Hargeysa si ay dhinaca Somaliland-na ugala hadlaan colaadda gobolka Sool iyo sidii loo joojin lahaa.

Madaxda dhaqan ee ergada nabadda u soo baxay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan Beelaha Hawiye, Digil iyo Milifle.

Ethiopia ayaa hore isugu dayday in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Sool balse ma hirgelin, welina waxa socda baaqyada nabadda ee lagu baaqayo in la joojiyo colaadda Sool oo galaafatay nafo badan, sidoo kalena ay ku barakaceen dad badan oo carruur iyo hooyooyin u badan.

Garaadada la filayo in ay berri la kulmaan Ergada nabadda ee Muqdisho ka timid ayaa galabta gaadhay Garoowe.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa hoggaaminaya.

Copyright © 2020 Somaliland Today.