Connect with us

somalilandtoday.com

Tallaabo shiinuhu qaadey oo si weyn uga cadheysiisay Taiwan

focus

Tallaabo shiinuhu qaadey oo si weyn uga cadheysiisay Taiwan

Tallaabo shiinuhu qaadey oo si weyn uga cadheysiisay Taiwan

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa ku eedeeyay Shiinaha in ay ku lug leeyihiin qorshaha Honduras ee ah in daacadnimada diblomaasiyadeed ee Taipei looga beddelo Beijing, iyada oo sidoo kale soo jeedinaysa in waddanka Bartamaha Ameerika uu dalbaday “qiimo sare” si uu u sii wado xidhiidhka Taiwan.

Faallooyinka Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph ayaa yimid maalin ka dib markii Honduras ay beenisay in ay Taiwan ka dalbatay $2.5bn oo gargaar ah ka hor inta aanay ku dhawaaqin qorshe ay ku dooneyso in ay xidhiidh ula furto Shiinaha.

Beijing waxay u aragta Taiwan oo iyadu iskeed isu xukunta inay tahay dhul ay iyadu leedahay, waxayna xoojisay dadaallada ay ku doonayso inay ku kasbato 14 waddan oo keliya oo sii wada xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ay la leeleyihiin jasiiradda.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay baarlamaanka, wuxuu sheegay in xaaladda Honduras aysan “aad u fiicneyn”.

“Calaamadaha ku lug lahaanshaha Shiinaha waa mid aad u muuqda,” ayuu yidhi. Laakiin jasiiradda kama hawlgeli doonto dibloomaasiyadda dollarka Shiinaha, Wu ayaa raaciyay.

“Waxaan galnay marxalad aad u adag,” ayuu yidhi. “Laakiin si adag ayaan u shaqeyn doonaa ilaa daqiiqada ugu dambeysa

More in focus

To Top