Connect with us

somalilandtoday.com

Maxay tahay hanjabaada ruushku u diray maxkamada ICC

focus

Maxay tahay hanjabaada ruushku u diray maxkamada ICC

Maxay tahay hanjabaada ruushku u diray maxkamada ICC

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa walaac ka muujisay “hanjabaado” uga yimid Ruushka ka dib markii ay soo saartay amar lagu soo xidhayo madaxweyne Vladimir Putin.

Hadalka ICC-da ee walaaca ah ayaa yimid ka dib markii madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev uu ku hanjabay in uu ku garaaci doono maxkamadda dambiyada dagaalka ee Hague gantaalada hypersonic. Waxa ay sidoo kale daba socotay guddiga sare ee baadhista Ruushka oo furay kiis dambi oo ka dhan ah dacwad oogaha ICC Karim Khan iyo sidoo kale garsoorayaasha soo saaray amarka lagu soo xidhayo madaxweyne Putin.

Shirguddoonka Golaha Xisbiyada ICC ayaa sheegay “in ay ka xun yihiin isku dayadan lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka falalka ka mamnuuca ah sharciga caalamiga ah”.

Goluhu wuxuu sidoo kale dib u xaqiijinayaa taageerada hagar la’aanta ah ee ay u hayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

More in focus

To Top