Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo la xidhayo toddobaadkan iyo sababta

focus

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo la xidhayo toddobaadkan iyo sababta

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo la xidhayo toddobaadkan iyo sababta

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa farriin uu qoray ku sheegay in uu filayo in la xidhi doono Salaasada soo socota, xilli dacwad oogaha New York uu isha ku hayo eedeymo ku saabsan kiis lagu baadhayo lacag la siiyay haweeney madaxweynihii hore ku eedeysay in uu la seexday.

Trump ayaa farriin uu ku qoray warbaahintiisa Truth Social  ku sheegay in qoraal si qarsoodi ah “loo soo dusiyay” oo ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha Manhattan uu qeexayo “in musharraxa ugu cadcad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka la xidhi doono salaasada toddobaadkan.”

Farriin ay wakaaladda wararka AP u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaanu xafiisku wali ka jawaabin. Xubno ku dhowdhow Trumo ayaan iyana ka jawaabin mar ay AP wacday si ay arrintan uga hadlaan.

Trump ayaan soo bandhigin faahfaahinno ku saabsan sida uu ku ogaaday in la xidhi doono. Farriintiisa ayuu ku celiyey wararkiisii aan xaqiiqda aheyn ee ahaa in doorashadii madaxtinimo ee 2020-kii ee uu ku guuleystay musharraxii Dimuqraadiga Joe Biden ay ahayd mid la xaday wuxuuna taageerayaashiisa ku boorriyay in ay bannaanbaxaan.

Saraakiisha amniga ee magaalada New York ayaa waday diyaar garow dhanka ammaanka ah oo ku aadan suurtagalnimada haddii dacwad lagu soo oogo Trump.

Waxa aan si rasmi ah wali loogu dhawaaqin waqtiga ay qaadanayso shaqada ay sida qarsoodiga ah u wadaan xeerbeegtida kiiska, oo ay ku jirto cod kasta oo suurtagal ah oo ku saabsan in dacwad lagu oogayo madaxweynihii hore.

More in focus

To Top