Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland: 40 qof oo loo xidhay Qowmuluudnimo

focus

Somaliland: 40 qof oo loo xidhay Qowmuluudnimo

Somaliland: 40 qof oo loo xidhay Qowmuluudnimo

Guurtida warbaahinta la wadaagtay Tirada Dadka anshax xumada loo xidhay.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye kuxigeenka golahaasi Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in la dhageysan doono warbixinaha guddi hoosaadyada golaha guurtida  ee kalfadhigii 80aad.

Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadeglyada  iyo ditaaca ee golaha guurtida Somaliland, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase), ayaa sheegay 40 qof loo hayo Liwaad ama Qoomuluud.

Waxa uu sheegay in 12 maxkamad lageeyay, in baadhis lagu sameeyay 16, in 8na ay garsugayaal yihiin, halka 4 qofna lagu xukumay 8 sano oo xadhiga.

More in focus

To Top